Ka dib markii uu cirka isku shareeray khilaafkii mudada soo jiitamamay ee u dhexeeyay maamulka Puntland iyo Dowlada Soomaaiya, mas'uuliyiinta labada dhinacna hadalo aan siyaasad ahaan isla jaanqaadi karin saxaafada isu soo mariyeen ayaa waxaa arintaas ka hadlay mid ka mid ah xildhibaanada Puntland.
Maxamad Jaamac Danaf oo ka tirsan xildhibaanada maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweyne Shariif uu ka mas'uul yahay khilaafka u dhexeeya labada dhinac isagoo ku eedeeyay madaxweynaha in uu gaar u riixay maamulkooda sida uu sheegay qadarin weyn ka mudnaa dowlada Soomaaliya.
"Shariif baa ka mas'uul ah ismaandhaafka u dhexeeya maamulka Puntland iyo Dowlada Soomaaliya waayo wuxuu Shariif sameeyay arrima aysan dowladihii ka horeeyay aanay sameyn" Sidaas waxaa laga soo weriyay Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka maamul goboleedka Puntalnd inkastoo uusan Xildhibaanku si toos ah carabka ugu dhufan waxyaabaha ay qoonsadeen ee dhabta ah.
Shalay ayeey aheyd markii madaxweynaha Puntland, Faroole isagoo u jawaababay Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, Farmaajo laga soo xigtay erayadan; "Waa innan meesha la keensaday, balse waxaan leenahay, Xeradaada ku ekoow".