Xaalad kacsanaan ah ayaa laga dareemayaa degmada Yeed ee Gobolka Bakool iyadoo dadku ay dareemayaan cabsi aad u xoogan, kadib markii ciidamo fara badan oo xabashi ahi xalay soo galeen Degmada Yeed.
Dadka ku dhaqan degmada yeed ee gobolka Bakool ayaa saakay ku soo toosay xaalada cakiran ee ka jirta degmadaasi, iyadoo ciidamada Itoobiyaanka soo galay degmadaasi saakay bilaabeen baaritaano ka dhan ah gaadiidka, goobaha ganacsiga iyo qeybo ka mid ah xaafadaha degmadaasi.
Sida uu u sheegay qof ku dhaqan dadka degmada yeed Warbaahinta la hadlay waxaa Ciidamada Itoobiyaanka ey Jirdil xoogan kula dhaqaaqeen qaar ka mid ah dhalinyarada deegaankaasi, iyadoo dhanka kalena haweenka ka fiiqayaan indha shareerada ama Niqaabka.
Ma jiraan war ka soo baxay sarakiisha Ciidamada dowladda KMG degmada Yeed, marka laga reebo howlgalada baaritaanada iyo dhaqdhaqaaqyada xoogan ay wadaan Ciidamada Itoobiyaanka ah.