Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

War deg deg ah: Xildhibaanda barlamanka oo isu kordhiyey waqtiga ay shaqeynayaan

Xildhibaanada baarlamaanka dowladda KMG oo maanta sidii la filayey shir ku yeeshay Aqalka Ummadda ayaa cod aqlabiyad leh ku ansixiyay in loogu kordhiyo waqtiga saddex sano hor leh

Fadhi maanta uu ku yeeshay baarlamaanka dowladda KMG xaruntiisa golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ka qeyb galay 435 Xildhibaan.

Waxay aheyd tiradii ugu badnayd xildhibaanada baarlamaanka ee ka qeyb gala fadhiyadii ugu dambeeyay ee baarlamaanka, waxaana codkooda ku taageeray in waqtiga shaqada la kordhiyo afar boqol xildhibaan ka badan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa ku dhawaaqay natiijada cod gacantaag ah oo ay sameeyeen xildhibaanada, taasoo ah in saddex sano uu sii shaqeeyo baarlamaanka dowladda KMG laga bilaabo xilliga uu ku ekaa waqtigiisa.

Looma kordhinin gudoonka baarlamaanka waqtigiisa oo ku eg bisha August ee sanadkan, waxaana la soo dooran doonaa gudoon cusub marka waqtigaas markii la gaaro.
Aad ayay u yaraayeen xildhibaanada ka soo horjeestay in loo kordhiyo baarlamaanka dowladda KMG waqtiga shaqada.

Shirkii magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia lagu soo gabagabeeyay todobaadkan ayaa waxaa loogu ogolaaday dowladda KMG in la kordhiyo waqtiga shaqada baarlamaanka dowladda KMG ee Soomaaliya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>