Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Ciiadamo Alshabaabka gobolka Gedo ku biiray!

$
0
0

Ciidamo ka tirsanaan jiray Dowlada KMG ah ayaa la sheegay in ay ku biireen maamulka Alshabaab ee Gobolka Gedo iyaga hub iyo saanad farabadan oo ey wateen.

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidan ka tirsan Dowlada ay ku biireen Kooxda Alshabaab Deegaanka Garbahaarey Ee Gobolkaasi Gedo xilli xiisada laga dareemayo deegaanadaasi.

Ciidanka shabaabka isku dhiibay ayaa gaarayay 8-askari kuwaais oo la soo baxsaday Hub iyo Saanad Ciidan oo aad u fara badan iyadoo soo kexeestay gaari nuuca dagaalka ah oo ay alshabaab u gacan galiyeen.

Ciidanka ayaa waxa ay ka mid ahaayeen askar dhaqdhaqaaq ka wada Deegaanka Doolow kuwaais oo laga baqanayay in dagaala ay ka bilaabaan Gobolka Gedo gudaha bishan Ramadaan sida saraakiishooda horay u sheegayeen. Askarta ku biirtay alshabaab ayaa waxa ay ahaayeen kuwa deegaan ahaan ka soo jeeda Grabahaaray waxaana ay ku soo tababar qaateen gudaha Dalka Ethiopia oo ay muddo ku sugnaayeen ka dibna ay soo galeen Deegaanka Doolow.

Ciidanka soo goostay ayaa saamayn ku yeelan kara qorshaha Dowlada ay ka waday dhawaanahan Gobolkaasi Gedo waxaana horay loo hadal haatay askar 1000-Kun ka badan oo ka goostay Dowlada kuwaasi oo weli aan meel lagu sheegin


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles