Hal qof ayaa dhimatay mid kale waa dhaawacmay kadib markii dabley hubeysani ay rasaas aan loo meeldayin ku fureen gaari marayay meel u dhexeysa Dagaari iyo Gaalkacyo.
Gaarigan oo nocaa xamuulka qaada ah ayaa waxaa la soo sheegay in uu ka soo baxay magaalada Gaalkacyo una sii jeeday qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.
Ciidamada nabadgelyada ee maamulka Galmudug State ayaa deegaankii gaarigan lagu rasaaseeyay hawlgal ka bilaabay laakiin weli lama soo sheegin cid ay falkan u qabteen.
Gudaha magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa mudooyinkan dambe ka jiray ammaan xumo laakiin sida wararka lagu helayo amaan xumadi waxay ku sii fiday deegaano ka baxsan magaalada Gaalkacyo.