Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Xildhibaan Ibraahim Yarow: Dowlada KMG waa in ay cadayso mowqifkeeda ku aadan Puntland oo dhibaato ku haysa dadka (Dhageyso)

$
0
0

Muqdisho (RBC Radio) Xildhibaan Ibraahim Isaaq yarrow  oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka KMG Soomaaliya ayaa baaq u diray dowlada KMG Soomaaliya.
Xildhibaankaan ayaa sheegay in dowlada KMG Soomaaliya looga baahanyahay in ay cadyaso mowqifkeeda ku aadan maamulka Puntland oo ay ku eedeeyeen in ay dhibaateeyaan shacab.
Ibraahim Isaaq Yarow  ayaa sheegay in maamulka Puntland uu dhibaato badan uu ku haayo dadka ka soo jeeda koofurta Soomaaliya gaar ahaan gobalada Bay iyo Bakool.
“waxaan masuuliyiinta sar sare ee dowlada KMG Soomaaliya aan ka codsanaynaa  in ay arintaan ka hadlaan oo ay wax ka qabtaan sidaa waxaa yiri xildhibaan Ibraahim Isaaq Yarow.
Hadalkaan ayaa waxa uu imaanayaa xili xildhibaanadaan ka soo jeeda gobalada Bay iyo Bakool ay shalay ku soo bandhigeen magaalada Muqdisho dad ay sheegeen in uu dhibaato u geestay maamulka Puntland.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>