Qof kasta oo dunida ku nool marka uu gaaro xilliga qaangaarka waxaa ku beerma dareen Jacayl, qof kastana xilligaas wax buu jeclaadaa ama waa la jeclaadaa.
Haddaba qofka marka uu Jacayl ku abuurmo ma jecla in si sahal loo ogaado sirtiisa jacayl oo wuxuu daneeyaa in ay isaga oo kaliya ku koobnaato, inkastoo mararka qaar uu sirtiisa ku qarsado saaxiibkiisa gaarka ah ee uu ku kalsoon yahay, kaasoo lataliye Jacayl uu ka dhigto.
Sifaha Jacaylku waa rabitaan ku beerma qofka, waxaana qof kasta oo wax jecel lagu gartaa astaamo gaar ah oo inta badan soo ifbaxa xili dambe oo jacaylku daaro ka dhisto qalbigiisa.
Astaamaha lagu garto qofka uu asiibo Jacaylka waxaa ka mid ah hiyi-kac, gaar ahaan xilliyada lagu soo hadal qaado arrimo ku saabsan qofka dhigiisa ah ee uu jecel yahay, wuxuu jeclaystaa ka sheekeynta iyo falanqeynta qofka uu jecel yahay, isagoo jeclaada qofka mar waliba uga sheekeeya saaxiibtiis, wuxuuna ku raaxaystaa hadal heynta Lamaantiisa.
Astaamo xanaaq ah ayaa lagu gartaa marka wax xumaan ah laga sheego lamaanta uu jecel yahay, wuxuuna bilaabaa amaba isku dayaa in uu difaaco ama uu u ceeb asturo, haddii uu awoodi waayana goobta ayuu isaga tagaa.
Waxa kale oo astaamaha lagu garto qofka wax jecel waxa ka mid ah xiiso gaar ah oo uu mar walba u hayo la kulanka qofka uu jecel yahay.
Laakiin layaabka jacaylka lagu arkay ayaa waxa uu yahay qofka wax jeceli marka uu arko qofka uu jecel yahay qacda ugu horeysa ee lakulankeeda marka uu dhaayaha saaro wuxuu dareemaa cabsi iyo naxdin degdeg ah wuxuuna dareemaa Xanfaf ka asiiba bu`da hoose ee
caloosha, mararka qaarna wuu ka qoomameeyaa aragtideeda qacda hore.
Waxaa ka luma qorshe badan oo uu rabay in uu u sheegto ama uu kala tashado, laakiin marka uu ka soo ag dhaqaaqo ayuu ka qoomameeyaa sababta uu ugu sheegan waayay, laakiin isaga qalada malahee jacaylka ayaa astaamihiisu sidaasi ka mid yihiin.
Shaqsiga wax jecel waxa uu mar walba tixgelin iyo karaameyn gaar ah siyaa qofka uu jecel yahay mana ogolaanayo in saxar qalad ah ama dhibaato yar soo gaarto, haddii isaga uu dhibaateysan yahay tiisa uma muuqato ee qofka uu jecel yahay mida heysata ayaa u muuqata oo la weynaata tan isaga heysatana umaba jeedo.
Qofka wax jeceli wuxuu u dhego nuglaadaa qofka uu jecel yahay, una dabacsanaadaa, deeqsi ayuu u noqdaa, una naxariis falaa mar walba isagoo isku dayaya in uu qanciyo jacaylkiisa.
Waxa Qoray:- Cabdi Wahaab Maxamed Warsame (Qanciye)
cwhappy99@hotmail.com
↧
Qofka uu haleelo Jacaylka iyo Siyaabaha lagu garto
↧