Gaalkacyo (RBC):- Xubno xildhibaano ah oo ka socda baarlamaanka KMG ah Soomaaliya ayaa maanta barqadii waxa ay gaareen magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobalka Mudug.
Xildhibaanadan ayaa Axadii todobaadkan waxa ay gaareen magaalada Garoowe xarunta Punland ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxa ay kulamo looga hadlaayay xiisado ka taagan waqooyiga Gaalkacyo kala hadleen masuuliyiinta dowlad gobaleedka Puanland oo hogaaminaayo Madaxweyne Cabdi raxmaan Faroole.
Xildhibaanadan ayaa waxa ay tiradooda gaareysaa ilaa 10 waxa ay markii ay gaareen magaalada Gaalkacyo waxa ay saxaafada u sheegeen in ay ilaa mudo afar maalmood ah ay joogi doonaan
Waxa kaloo ay sheegeen iney ku biiro culimaa’udiin iyo cuqaal oo horrey u joogay Gaalkacyo kuwaas oo howlo waan ka waday magaalada Gaalkacyo markii horaantii bishan xaafada Garsoor oo ku taala waqooyiga ay ku dagaalameen ciidamada Punland iyo Maleeshiyo deeganka ah.
Waxa ay rajo wanaagsan ka muujiyeen in la soo afjari doono colaada ka taagan magaalada Gaalkacyo oo dad badan ay ku dhinteen kuwa kale ay la jiifaan dhaawacyadii soo gaaray.
Xildhibaanadan ayaa waxa yihiin kuwa ka soo jeeda kooxii dagaalamay.
↧
Wafdi Xildhibaan Oo Ka Socda DKMG ah Oo Maalmahan Joogay Magaalada Garoowe Oo Maanta Gaalkacyo Gaaray
↧