Wargeyska Metro ee ka soo baxa dalkani Sweden ayaa waxa uu helay qoraal sir ah oo ku saabsan sababta keentay in la xiro saddex nin oo Soomaali ah, kuwaas oo hore loogu soo eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin kooxaha Al-shabab.
Qoraalkan sirta ah ayaa sheegaya in xariga raggan ku xiran magaalada Göteborg ee dalkani Sweden uu iminka la xiriiro isku day dil oo ay la maaganaayeen farshaxaniste Lars Vilks oo ah ninkii Nabiga (SCW) caayay.
War-gayskan ayaa sidoo kale qoray in nin ka mid ah saddexda nin uu iibsaday minddi nooca jeebka lagu qaato ah, taas oo loo malaynayo in uu la damacsanaa dilka Lars Vilks.
Qoraalkan ayaa sidoo kale lagu sheegay in mid kaloo ka mid ah saddexdan nin uu su’aalay qof jooga meesha Farshaxanka xiliga la heli karo Lars Vilks,
Arrintan ayaa ku soo beegantay iyada oo uu Lars Vilks buugiisa xasuus qorka ee dhinaca Internedka ku soo daabacay in uu bandhig Farshaxaneed ka qeyb gali doono, balse uu tagin goobta.
Mar ay waxaada dhaqanka ee Raadyaha dalkan Sweden (Sverigeradio) la yeelatay waraysi farshaxaniste Lars Vilks sida ay boggeeda Soomaaliga ku baxa ku qortay waxaa uu waraysigaasi u dhacay sidatan.
SR International Su’aal: Waa sidee dareenka aad ka qabto?
Farshaxaniste Lars Vilks Jawaab: Anigu waxaan u arkaa far-shaxan, welina waan qabaa. Sida haddaba la iigu qaatay matalaad iyo sida ey ku dhacdo waa mid xiiso leh. Waxayna ka mid tahay howlaha far-shaxankayga.
SR International Su’aal: Miyaadan haddaba ka daalin handadaadda joogtada ah ee aad ku sugan tahay?
Farshaxaniste Lars Vilks Jawaab: Mar hore ayuu sidaa dareenkaygu ahaa, iminka waan ka soo gudbay marxaladdaa.
SR International Su’aal: Ma ku fekertaa inaad halis ku tahay ammaankooda dadyowga kaa ag-dhow?
Farshaxaniste Lars Vilks Jawaab: Waa in la garwaaqsadaa in khatartaasi tahay mid aad u hooseeysa. Waa mid inta badan wax-yeelaysa maskaxda ee maaha oogada. Waxaan leeyahay ilaaliyeyaal aad u taxadar badan.
Xigasho: http://www.metro.se/nyheter/mannen-var-ute-efter-lars-vilks/EVHkiu!sE0spm7yjNWk/ iyo qeybta Su’aalahanahttp://sverigesradio.se/sida/artikel.aspx?programid=2172&artikel=4707096
Mohamed Ali Abdi (Royter)
karaama@gmail.com
Skellefteå, Sweden
↧
Wargeyska Metro oo warbixin xasaasi ah ka qoray laba dhalinyaro oo Soomaali ah oo Xoogaga Shabaab looga shakisan yahay
↧