WASHINGTON(OWN)- Jariirada Washigton Post ee kasoo baxda dalka Mareykanka ayaa sheegtay in dalka Mareykanku uu sameysanayo saldhigyo ciidan oo qarsoodi ah kuwaas oo diyaaradaha aan cidi wadin ee gantaallaha tuuraa ay ka weerari doonaan goobo ku yaalla wadamada Somali & Yaman, Jariirada ayaa sheegtay in Saldhigyadaa mid kamid ay Mareykanku ka sameysan doonaan dalka Ethiopia ee ay saaxiibka yihiin iyadoo saldhigaa uu Mareykanku ka duqeyn doono kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta dalka Somalia, Jariirada ayaa intaa ku dartay in Saldhiga kalle ay ka sameysan doonaan jaziirada Seychelles,
Diyaaradaha dagaalka ee aan cidi waddin ee dalka Mareykanka uu ku hubaysan gantaallo & Bom-booyin kalle oo casi ah oo ku xidhan ama laga maamullo Sattaliteka ayaa weeraro gaadmo ah ka fulliyey billihii lasoo dhaafay dalka Somaliya iyadoo weeraradaa lagu qaady kooxda Al-Shabaab kadib markii ay Mareykanku sheegeen in lasoo gaadhay xilligii laga takhalusi lahaa kooxdaa, Jarriirada ayaa sidoo kalle sheegtay in diyaaradaha dagaalka ee Mareykanku ay ka duuli doonaan dalka Jabuuti iyagoo weeraro ku qaadi doona dalalka Soomaaliya & Yaman,
Mas,uul sare oo u hadlay ciidamada dalka Mareykanka ayaa u sheegay Jariirada in diyaaradaha dagaalka ee aan cidi waddin ee dalka Mareykanku ay ka fulliyeen dalalka Afganistan & Pakistan weeraro aad u badan kuwaas oo daciifiyey awooda kooxaha Al-Qaacida & Daalibaan ee wadamadaa ka dagaalama,
Mas,uuliyiinta Mareykanka ayaa sheegay inay aad uga baqayaan in kooxaha Al-Qaacida ay gabood ka sameystaan goobaha aan maamulku ka jirin ee wadamada Soomaaliya & Yaman taasina ay keentay inay go,aansadaan inay weeraro isdaba joog ah ku qaadaan goobaha dalalkaa ka mida ee ay ku tuhmayaan inay Al-Qaacida ku sugan tahay,
Barkhad Cabdillaahi Maxamed
Oodweynenews.com / SWEDEN
Barkhad11@live.com
Facebook:- Barkhad Abdillahi Oodweynenews
↧
Mareykanka oo Sheegay Inuu Ka Sameysanayo Saldhigyo Cusub Dalka Ethiopia Si Diyaaradaha Aan Cidi Waddin Ay Halkaa Uga Duqeeyaan Dalalka Soomaaliya & Yaman
↧