Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Wafdiyo gargaar bani’aadamnimo oo ka socda Somaliland oo u kala dhoofay Muqdisho iyo Dhadhaab

$
0
0

 
Xubnaha u socda Muqdisho oo ka kooban lix xubnood ayaa waxaa hoggaaminaya Xasan Cabdi Cawad, iyadoo ay ka mid yihiin abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi), Jamaal Caydiid iyo Axmed Maxamed Aadan, waxaana madaxa guddigan uu sheegay in gargaarka ay geyn doonaan meel walba oo ay joogaan dadka ay abaaruhu saameynta xooggan ku yeesheen.
“Gargaarka waxaanu geyn doonnaa meel walba oo ay joogaan barakacayaal ama Muqdisho gudaheeda ha ahaato ama duleedyadeeda,” ayuu yiri Xasan Cawad oo sheegay in howsha ay wadaan ay tahay mid samofal ah oo aanay wax siyaada ah lug ku lahayn.
Dhanka kale, wafdiga uu hoggaaminayo wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta ee Somaliland Sheekh Khaliif ayaa waxay iyaguna tegi doonaan xeryaha Dhadhaab ee dalka Kenya oo ay ku jiraan qoxooti Soomaaliyeed oo ka cararay deegaannadii ay abaaruhu ku dhufteen.
Xubnaha guddigan waxaa ka mid ah wasiirka ganacsiga Somaliland, C/risaaq Khaliif, Sheekh Maxamed Aadan oo ka mid ah culummada Somaliland iyo weliba xubno ka tirsan wasaaradda diinta iyo owqaafta oo horay gargaar bani’aadamnimo u gaarsiiyay barakacayaasha abaaraha.
Gargaarkan ayaa lagu sheegay inuu yahay mid laga ururiyay shacabka Somaliland iyo dhaqaale ay ku dartay xukuumadda, waana kii ugu horreeyay oo noociisa oo laga ururiyo Somaliland.
Wafdiga imaanaya Muqdisho ayaan la ogeyn sida ay goobaha ay ka taliso Xarakada Al-shabaab ku gaarsiin doonaan gargaarka bani’aadamnimo, maadaama ay dowladda KMG ah horay ugu diiday hay’adaha gargaarka inay goobahaas gargaar geeyaan.
Khamiis, September 22, 2011 (HOL) — Wafdiyo ay kala hoggaaminayaan wasiirka owqaafta iyo arrimaha diinta Somaliland, Sheekh Khaliil C/llaahi Axmed iyo madaxa rugta ganacsiga Somaliland, Xasan Cabdi Cawad oo wada gargaar bani’aadanimo oo gaaraya 700,000 oo doolarka Mareykanka ah oo loogu talogalay in lagu caawiyo dadka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu sameeyeen ayaa maanta ka dhoofay Hargeysa iyagoo kusii kala jeeda Muqdisho iyo xeryaha Dhadhaab ee dalka KenyaSource-hol.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>