Ururka Midowga Afrika iyo Jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo kulan gaar ah ku yeeshay magaalada New York ayaa isku raacay in dhibaatooyinka Soomaaliya oo ay dagaaladu ugu daran yihiin meesha laga saaro.
Ban Ki-Moon, Xoghaya guud ee QM iyo iyo Jean Ping oo midowga Afrika u qaabilsan dhinaca nabadgelyada iyo ammaanka u qaabilsan Midowga Afrika oo si gaar ah uga hadlay dagaalada ka socda Soomaaliya ayaa isla meel dhigay in al Shabaab Soomaaliya laga ciribtiro dowladda Soomaaliyana salka loo adkeeyo.
Qaabka ay al Shabaab u ciribtirayaan si faahfaahsan mas'uuliyiintan ugama hadlin laakiin waxaa la filayaa in ogolaanshaha QM ee joogitaanka Ciidamada Midowga Afrika wax laga bedelo, sida in ciidamadaas oo hadda nabad ilaalin ku shaqeeya loo bedelo nabad dhaliyayaal.