Ciidamo aad u fara badan oo ku hubeysan Qorayha fudfud oo laga kala keenay gobolada Koonfurta Soomaaliya qaarkood Alshabaabna ka amarqaata ayaa la geeyay jiida hore ee dagaalka Dowladda iyo Alshabaab u dhexeeya gaar ahaan dhinaca Waqooyiga Muqdisho.
Ciidamada Dowladda ee dagaalka kula jira Alshabaab ayaa dhankooda bilaabay dhaqdhaqaaq xoogan si ay uga hortagaan haddii weerar lagu soo qaado waxaana dadka deegaanka ee ka agdhow jiidaha dagaalka Waqooyiga Muqdisho la soo deristay Cabsi Xoogan.
Dhanka kale ciidamada Amisom ayaa bilaabay in ay duleedka Madaxtooyada soo dhoobaan Taangiyadooda si ay u difaacaan Villada oo meelo aan sidaas uga fogeyn ay ku jiraan Xoogaga Mucaaradku.
Xaaladu ilaa iyo hadda waa degan tahay laakiin wixii war ah ee soo kordha kala soco qeybaha dambe ee wararkeene haddii Alle Idmo.-