Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Muqdisho: Kulan looga hadlayay arrimaha gargaarka

Xarunta madaxtoyada Soomaaliya ee MuqdishoKulan looga hadlayay sidii gargaarka loo gaarsiin lahaa dadka dhibaateysan, oo ay ka qeybgaleen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda KMG, saraakiisha ciidamadda iyo gudomiyayaasha degmooyinka ayaa lagu qabtay magaaladda Muqdisho.Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee DKMG, Cabdisamad Macallin Maxamuud oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in la gargaaro dadka ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo la sameynayo iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah.Qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo qaarkood ka hadlay kulanka ayaa soo bandigay fikradahooda ku aaddan sida gurmad loo gaarsiin karo dadka dhibaateysan, iyagoo ballan qaaday inay gacan buuxdo ka geysanayaan sidii howlaha gargaarka loo fidin lahaa.Waxaa leysla gartay in la dardargeliyo qeybinta deeqo gargaar oo ay keeneen hay’adaha samafalka iyo qaar ka mid ah dalalka caalamka, oo wali ay dowladda gacanta ku heyso.Maqaaladda La Xiriira:

  1. Kulan looga hadlayay daruufaha shaqo ee howlwadeennada AMISOM ee Muqdisho
  2. Muqdisho: Kulan looga hadlay dhibaatooyinka Jubbooyinka
  3. Muqdisho: Kulan dhibaatooyinka dhallinyarada looga hadlayay oo la qabtay

Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>