London:-Warar laga helayo Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ayaa sheegaya in maalmaha soo socda u kicitimi doono Madaxweyne Faroole London, halkaas oo la sheegayo inay martiqaad u fidiyeen Qurba Joogta Jaaliyadda Ingiriiska.
Warku wuxuu intaas ku darayaa in Jaaliyadda dibadda ay codsatay inuu kala soo qeybgalo kulan lagu qabanayo Dalka Ingiriiska si ay ugala hadlaan arrimaha dalka ka jira gaar ahaan Gobolada Puntland oo sanadihii ugu dambeeyey Dagaalo Beeleedyo, Dilal iyo Qaraxyo ku soo kordheen.
Jaaliyadaha dibadda ee Puntland ayaa aad uga wel welsan xaalada Puntland iyo wararka inta badan dhagahooda ku soo dhacaya ee Dilalka iyo Isku dhacyada Beelaha. waxay kaloo aad uga murugaysan yihiin qeybsananta Deegaanada Puntland oo maanta xaalku uu marayo State-yo badan inay abuurmaan iyadoo uu dalka joogo Madaxweyne Faroole, taasoo muujinaysa in talo faraha ka baxday.
Jaaliyadda Puntland ee Dalka UK ayaa qaban qaabinaya kulan weeyene looga arinsanayo xaalada guud ee Soomaaliya iyo tan Gudaha Puntland, waxaana la tilmaamayaa inay kulankaas isugu yimadaan kooxaha taageersan Maamulka C/raxmaan Faroole Madaxweynaha ka yahay iyo kuwa diidan oo dhaliilsan xaalada guud ee Puntland sida uu u maamulayo Faroole, taasoo muujinaysa in si aad ah la isu xag xagan doono oo madashaas runta la taabsiin doono Faroole iyo Taageerayaashiisa halka ay ku wadaan Puntland.
GalGalanews.com
↧
M.Faroole oo ku Sii Jeeda UK
↧