Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Orod-yahanka Weyn ee Moh Farah oo si xamaasad leh loogu soo dhaweeyay M agaalada Gabilay

$
0
0

Hargeysa (Somaliland.Org)-  Orod yahanka  caalami ga ee Moh Farah oo u dhashay Somaliland iyo Britain,  ayaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay Magaalada Gebilay.
Waxa  orod yahankan soo dhawayntiisa ka qayb qaatay maamulka gobolka,ka degmada gebiley iyo dadweyne tiro badan.
Maayarka Magaalada Gabilay Marwo Khadra Xaaji Gaydh  ayaa sheegtay inay ku faraxsan yihiin booqashada uu ku yimid ciyaaryahankan weyni gobolka Gabilay oo uu ka soo jeedo.
Orod yahanka Caanka ah Moh Farah, oo la hadlay Boqolaal dadweyne ah oo ku soo dhaweeyay magaalada Gabilay ayaa sheegay inuu si weyn ugu mahad celinayo dadweynaha magaalada Gabilay sida xamaasada leh ee ay ugu qaabileen magaaladiisii.
Moh Farah waxa uu balan qaaday inuu adduunka u bandhigi doono sidii Somaliland looga caawin lahaa horumarinta noocyada kala duwan ee ciyaaraha.
Weriye Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
cumarmfaarax@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles