Dowladda Urdun ayaa sheegtay in ay Soomaaliya u direyso bisha soo socota dhaqaatiir gaaraya ilaa 10 qof iyo gargaar bini’aadannimo oo isugu jira cunno iyo dawo, taasoo qeyb ka ah dedaallada ay Urdun ugu jirto samatabixinta dadka Soomaalida ah ee u dhimanaya gaajada iyo cudurrada.Qunsul sharafeedka Urdun u fadhiya Soomaaliya, Caarif Artiima oo u warramayay wakaaladda wararka Urdun ee Petra ayaa sheegay in ay sii wedi doonaan taageerada iyo gargaarka ay dowaladda Urdun siineyso Soomaaliya, isagoo tilmaamay in boqorka Urdun, Cabdalla Athaani uu ku boorriyay hay’adaha gargaarka ee xukuumadda iyo kuwa aan dowliga aheyn in ay u istaagaan sidii ay u caawin lahaayeen Soomaalida dhibaateysan.Caarif Artiima ayaa xusay in ay sii xoojin doonaan gargaarka ay gaarsiinayaan dadka Soomaalida ah ee dhibaateysan iyagoo la kaashanaya hay’adaha gargaarka ee ka howlgala Soomaaliya.Dowladda Urdun ayaa xilli sii horreysay waxay Soomaaliya keentay gargaar isugu jira cunno iyo dawo, kuwaasoo ay ugu talagashay dadka ay saameeyeen abaaraha.Maqaaladda La Xiriira:
↧