Madaxweyne Barak Obama ayaa daafacay qorshaha masjidka weyn ee muslimiinta Maraykanku ay ku doonayaan inay ka dhisaan goob u dhaw 'Ground Zero', oo ah goobtii weerarradii 9/11 ee New York, sanadkii dhaceen 200.
Madaxweynuhu, hadalkani waxa uu u jeediyey marti-sharaf ka socotey
muslimiinta Maraykan, oo uu ugu yeedhay guriga cad, uguna sameeyey afur,
bishan barakaysan ee Ramadaan.
Waa in aan la isku khaldin, oo la kala saaraa kooxaha xagjirka ah, sida al-Qaeda oo kale, iyo muslimiinta caadiga ah
Barak Obama
Waana markii ugu horraysay ee ilaa haatan uu ka
hadlo madaxweyne Obama arrintan murranka iyo khilaafku ay ka taagan
yihiin ee dhismaha masaajidkani cusub ee degaanka Manhatan ee New York.
Waxanu madaxweynuhu xasuusiyey marti-sharaftaasi
uu la hadlayey in muwaadiniin kasta oo Maraykan ahi ay xaq u leeyihiin
inay dhistaan meelo ay ku cibaadaystaan.
Murankani waxa uu ka danbeeyey olole iyo cabasho weyn oo ka timid dad ka soo horjeeda dhismaha masaajidkaasi ee goobtaas.
Waxayna dadka olalahaasi wadaa ku doodaya in
masajidku uu aad ugu dhaw yahay dhulka loo yaqaanno 'Ground Zero', oo ah
buqcadihii ay ka taagnaan jireen daarihii loo yaqaanney 'Twin Towers'
ee lagu burburiyey weerarradii argagixiso ee xagga cirka ee 9/11,
sanaddii 2001, buburkaasi oo ay isla markaana ku dhinteen kumannaan qof.
Sidaasi awgeedna, waxay ku doodeen dadkaas in
dhisme masjid oo halkaas laga qotomiyaa uu noqonayo mid xasaasi iyo
xushmo-darro ah, oo kiciya dareena dadkii qaraabadoodu ku dhimatay
weerarradaas.
Hasse ahaatee madaxweyne Obama waxa uu sheegay,
in isaga oo fahamsan xasaasiyadda iyo dareenka ku xeeran arrintani, in
haddana America ay tahay dal ay ka jirto xorriyadda diimaha iyo
wax-caabudku, dalkana loo siman yahay, marka loo eego dadka ku dhaqan ee
kala caqiidada ah
Ugu danbayntiina waxa uu uga digey dadweynaha
Maraykanka, in aan la isku khaldin oo a kala saaro, kooxaha xagjirka ah
ee al-Qaacida ka mid tahay, iyo dhinaca kale muslimiinya caadiga ah.