Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

BARMAAMIJKII TAXANAHA AHAA EE FUDAYDIYA GUURKA SINADANA FOGEEYA

$
0
0

 
TAARIKHDA GUURKA JINKA
 
waxaynu jimcii hore kasoo hadalnay taarikhda guurka insiga [dadka]iyo asal ahaan meesha u kasoo jeedo ,waxa kale oo aynu soo sheegnay dilkii ugu horeeyay ee caalamka kadhacay in uu guur sabab u ahaa,kaas oo ahaa dilkii dhexmaray QaAbiil iyo Habiil oo kamid ahaa 20kii  wiil ee uu dhalay nabi Aadan [nnkh].
waxaynu caawa kahadli doona insha Allaah halka uu kasoo jeedo Jinku iyo habkuu isu guursado, waxay Diintu inooga sheegtay.
Jinku waxa uu kasoo jeeda asal haan naar[dab] waxana uu ku abtirsadaa Jaan oo ah kii dabka laga abuuray,waxay culumadu isku qabteen dhedigiisu meesha uu kasoo jeedo mafeedhiisa laga abuuray mise iyadana naar.
Jinka waxa la  abuuray 40 sano ka hor abuurkii nabi Aadan wuxuuna ku faana  in uu bini aadanka ka da'waynyahay.
Jaan markii Alle u abuuray dhedig waxa uu Alle waafajiyay inuu guursado,oo uu abad kadhalo caalamka ku faafa .
Jaan markiiba  ubad  aad  u badan ayuu dhalay ubadkiina is guursaday oo batay ayaa lagu magacaabay Jin.
Haddaba Jinka ubadkiisu markiiba ma hanaqaado [waynaado] waxa uu ku qaan gaadha 40jir, waxaanu isu guurasadaa habkaynu isu guursano, aroos iyo hibo- ba halkii marna waa uu dhala waxaan la cayimi karin.
Jinku waxa uu uqaybsamaa  3 nooc:mid duula ,mid quusa oo badaha ku nool iyo mid sideena dhulka  inagula nool.
Jinku waxa uu leeyahay qabaa'il ,muslim,gaalo, sideena oo kale, wuuna ina arkaa Alle haynaga nabad galiyee.
Haddaba Jinka ma guursan karnaa ama hableheena ma guursan kara? wealigaa ma maqashay heblaayo jin baa qaba ?
way dhicikartyaa laakin waa naadir waxa nacday taarikhdu markay ahayd 2005 tii magaalada Burco ee gobolka togdheer in nin ogaaday in gabadhiisa nin Jin ahi la qabo oo uu habeenka uu rago ugu soo galo nin gabadhiisa la haa'sawaya marka uu guriga soo galo oo uu isyidhaahdo ninka hadlayaa lahadal ayuunbuu waaya,kubta ka hadasha Jinkan weaxay tilmaamtey rag badan oo guursaday naago Jin ah.
Haddaba caalamka ma la arkay Insi iyo Jin wax isu dhalay  ama caruur hoyadoodna Jin tahay aba hoodna Insi yahay?!!!
Inta aanu maqaley sheeko iyo shaahidtoona laguma arag arintaas ! maxa yeelay waxa layidhi biyaha [manida] Jinku way kakhafiifsanyihiin kuwa Insiga. wallaa aclam. qisadan oo dhamaystiran waxaad ka helaysaa tafsiirka aayaadka suuratu  al xijri 26naad  ama aayada 50aad ee suuratu kahfi, ama kitaabka loo yaqaano luqadu marjaan.
LASOCOQAYBTA 4AAD IYO INOO JIMCA HA DANBE IN SHA ALLAAH.
DIYAARIYE SH .MAXAMED CABDI WAHAAB XUSEEN [QOOBSHUNUX].


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>