Iyadoo labadii maalmood ee la soo dhaafay kulamo xiriir ah ay ku dhex marayeen deegaanka Ceelasha Biyaha oo ku saabsanaa mustaqbalka suuqa bakaaraha Ganacsatada iyo Saraakiisha Shabaab ayaa rajadii laga qabay in kulankaas natiijo ka soo baxaan ay noqotay mid lagu kala dareero.
Kulankii shalay galab oo ahaa kii 3aad oo ay isugu yimaadaan labada dhinac ayaa mar kale uu is faham waa ku dhamaaday, kadib markii shuruudo ay ku xireen Shabaab in ganacsatada xilligan u guuraan suuqa bakaaraha.
Ganacsatadii ka soo raratay alaabtooda suuqa bakaaraha ayaa iminka waxaa la soo gudboonaaday labo daran mid dooro, waa tan koowaade iyadoo lagu amray in alaabtooda kala bixi karin ceelasha, tan labaad ayaa loo sheegay in meel uu cadaw joogo in aanay u guuri karin.
Saraakiisha Shabaab oo labo maalmood ka hor laga dalbaday in laga qafiifiyo ganacsatada lacagaha ay ka qaadaan ayay ku gacan seyreen, iyadoo haatan ganacsatado xaalka ku xun yahay.
Warar si hoose loo helayo ayaa sheegaya in ganacsatada qaar ay joojiyeen badeecadihii ay u gudbin jireen Ceelasha Biyaha ee ay kala soo degi jireen Dekeda Muqdisho, si aanay xaalka ugu sii dheeraan.
Arrinta uu culuska weyn ka jiro ayaa ah sida ganacsatada ugu dhiiran karaan in suuqa bakaaraha ay dib u howl geliyaan, maadaama Shabaabka u arkaan hadii suuqa furmo in dowladda dan weyn ugu jirto, iyagana xaalkooda ku sii xumaanayo.
Wasiirka arrimaha gudaha iyo Amniga qaranka C/samad Macalin Maxamuud ayaa ka codsaday ganacsatada inay dib u furaan ganacsiga suuqa bakaaraha, isagoo balan qaaday in aan wax dhibaato ah loo geysan doonin.
↧
Kulan looga hadlayay mustaqbalka Suuqa Bakaaraha oo Shabaab iyo Ganacsatada ku kala dareereen (Xog-rasmi)
↧