Ku dhawaad 20-ruux ayaa ku geeriyootay ku dhawaad 40-kalana way ku dhaawacmeen dagaal culus oo ka dhacay degmada Dhooblay ee gobolka Jubada Hoose kaasi oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda KMG Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Raas kanbooni iyo Maleeshiyada Al Shabaab sida ay noo xaqiijiyeen ilo lagu kalsoonyahay.
Dagaalkani ayaa waxa uu bilowday kadib markii dagaalyahanada Al Shabaab ay weerar ku qaadeen degmada Dhooblay oo ay gacanta ku hayso dowladda ayaa labada dhinac waxa ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kaladuwan oo ay ka mid yihiin hoobiyayaal kuwaasi oo qaarkood ku dhacay xaafado dad rayid ah ay ku sugan yihiin.
Kooxda Shabaab ayaa waxaa la sheegay inay la wareegtay degmada inkastoo markii dambe laga saaray mudo saacado kadib, waxaana warka uu intaasi ku daraayaa in isgaarsiinta oo ka maqanayd saaka magaalada ay haatan dib usoo laabtay taasi oo sahashay xiriirka dhanka isgaarsiinta qeybaha kala duwan ee bulshada oo hakad ku jiray
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay oo isugu jira dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah ayaa ilaha waxa ay sheegayaan inay ka mid yihiin Saraakiil ka kala tirsan dowladda, Raas kanbooni iyo Xarakada Al Shabaab kuwaasi oo xilalkooda iyo magacyadooda aan la shaacin.
Wararkii ugu dambeeyay ee ka imaanaya magaalada Dhooblay ee gobolka Jubada hoose ayaa waxa ay sheegayaan in haatan magaalada ay si buuxdo gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo Raas kanbooni halka Al Shabaab ay ku sugan yihiin duleedka magaalada, halkaasi oo inkastoo daganaansho aan caga badan ku taagneen ay ka jirto hadana laga maqlayo rasaas iyo madaafiic goos goos ah.
↧
Xaalada Dhoobleey oo dagan caawa & Shabaab oo daqiiqado la wareegay
↧