madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo wuu siiyey jawaab ku filan damiirlaawe faysal cali waraabe,oo ah masiibo (disaster) geyigeenan somaliland illahay ku dhex uumay,markastana hantaaqo iyo dhabar ku ah jiritaanka somaliland iyo sidii aanay ictiraaf u heli lahayn intaba.
belo ama sheekh ama shariif ayey isaga soo kaa dhigtaaye,faysal shacab somaliland hadba shaadh ayuu u soo xidhaa isagoo mar yidhaahda diinta ayaan ku xukumayaa dalka taasoo noqotay hadal afka baarkiisa aan dhaafsiisnayn.
wuxuu had iyo jeer heegan ugu jiraa sidii uu u wiiqi lahaa horumarka ay xukuumaddu ku talaabsanayso mudada halka sanno ah,ee ay jirtay isagoo talaabadii ay qaadaba u taagan in uu xagal daaciyo,hadafkiisa ugu weyn ayaa ah sidii umada reer somaliland qalalaase uga dhex dhici lahaa si wadanku u noqdo meel fawdo ah oo aanay ka jiri amini iyo kala dambayni.
wuxuu quudaraynaa sidii uu u tegi lahaa xamar oo waayadan dambe afkiisa ku badnay,maadaama uu shacab somaliland kala kulmay guuldarooyi xidhiidh ah,mustaqbalkooda iyo aayahooda ay ku aamini waayeen,waa inuu dadka dhegaha uga baxaa uu sidii kaneecada 24saac kaga qaylinayo.
dhidarkii xabaal faqay qudhun buu faraha daray,adiga oo basaas u ahaa siyaad barre ayaad maanta iska dhigaysaa inaad dalka siilaanyo uga lexejeclo badan tahay.
dhibaatadii aad dalkan iyo dadkan u geysatay ayaan weli maskaxdayada ka bixin xusuustayada baaqi ku ah
waa in shacabku ka hortagaan khiyaamooytinka uu la maagan yahaya siyaasi ku sheegan bukaan socodka ahi,oo hore shacabka ugu basaasay ragimekiis siyaad barre ee xasuuqa ba'an iyo dabargoynta u geystay shacabka somaliland.
siyaasadda maalmo kooban (few days)ayaad ku jiraysaa,waanad waayi doontaa guddoomiyenimada xisbigaaga oo aad u haysto intaad nooshahay in laguu abuuray,shacabkuna way kaa raysan doonan hadalkaagii aan cilmiga ku dhisnayn.
madaxweyne siilaanyo hadalkiisa wax deelqaafi kuma jiraan,waayo dalka wuu uga lexejeclo badan faysal iyo wixii la hal maala.
faysal cali waraabe soowkan xisbiigii looga dareeray ula baxay magacii,xisbiga yuhuuda reer israel ee likuud, wixii uu odhan jiray dalka ayaan diinku maamulayaa waxan ayaa ka soo dhex guuxayey.
yaasiin beerqabooje
hargeysa,somaliland
galayd44@hotmail.co.uk
——————————————————————————————————————————–
line-height:normal;mso-outline-level:2">
mso-bidi-font-size:11.0pt;font-family:"Georgia","serif";mso-fareast-font-family:
"Times New Roman";mso-bidi-font-family:"Times New Roman";color:black">Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
color:black;background:white;font-style:normal">
↧
Faysal cali waraabe waa masiibo(disaster)illaahay geyigeena ku soo dhex turray,madaxweynuhuna jawaab ku filan ayuu siiyey By- Yaasiin Beerqabooje
↧