Dowladda Koonfur Afrika oo ka mid ah dowladaha ugu tunka weyn Qaarada Afrika ayaa hadda ka fiirsaneysa Qorshe ay ciidamo ugu soo direyso Soomaaliya si ay gacan uga geystaan hawlaha nabad ilaalinta lagu sheego ee AMISOM ay Muqdisho ka wadaan.
Golaha Wasiirada Xukuumada Koonfur Afrika ayaa lagu wadaa in ay berri ka doodaan qorshahan qabyada ah ee ay soo gudbiyeen xeeldheerayaal Milateri oo ciidamada dalkaas ka tirsan mudana ku hawlanaa dejinta istaraatijiyada Ciidamada ay u dirayaan Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa waxaa haatan jooga dhowr kun oo magaca Midowga Afrika ku shaqeeya hawlgalka loo soo dirayna waxaa lagu magacaabay nabad iaalin waloow nabad ay ilaaliyeen waa halkeedee ay xubin firfricoon ka noqdeen xubnaha ku caanka ah xasuuqa shacabka Soomaaliyeed.
halgankanet@gmial.com