Alshabaabka hubeysan ee dagaalka kula jira dowladda Soomaaliya ayaa lagu eedeeyay in ay ka dambeeyeen dilkii shalay salaada Casar ka dib deegaanka Ceelasha Biyaha loogu geeystay Marxuum Shiikh Maxamad Tahliil, Gudoomiyihii Samadoonka Soomaaliyeed.
Gudomiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee degamada Guriceel Cismaan Ciise Nuur oo la hadlay idaacada maxaliga ah ee Shabelle Radio ayaa dilka Marxuum Shiikh Tahliil ku sifeeyay mid iska cad oo ay ka dambeeyeen xoogaga Alshabaab waxaana uu arintaas ka yiri erayadan; "Dilka hadda inta badan ka dhaca Soomaaliya waa iska cad yahay dadka ka dambeeya, Alshabaab ayaa ka dambeeysa waana u caado in ay dilaan cid kasta oo waxtar u leh Bulshada Soomaaliyeed ama iyaga hadafkooda ka soo horjeeda"
Shacabka Soomaaliyeed ayuu Cismaan Ciise ugu baaqay in ay la dagaalamaan Alshabaab inta goori goor tahay haddii kale dalka laga weyn doono cid wax gasha maadaama ay kooxdani caadeeysteen ciribtirka waxgalka Soomaaliyeed waa siduu hadalka u dhigaye.
Alshabaabku dhankooda wax jawaab ah kama bixin eeda loo soo jeediyay sidaas si la mid ahna maba soo hadal qaadin dilka Marxuum Tahliil.
Shalay ayeey aheyd markii Shiikh Tahliil oo caan ku ahaa ku baaqida nabada iyo difaacida Diinteena Sharafta badan ay dileen kooxo hubeysan oo ilaa iyo hadda la leeyahay lama garanayo Heybtooda.