Safarkii kediska ahaa ee madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud uu ku tagey degmadda Bali-gubadle ayaa yimid wax yar kadib war-saxaafadeedkiisii wadhida reebay.
Su’aalihii aan iska weydiiney ujeedada safarka madaxweynaha waxaa si waafiya inoogu faahfaahiyey wasiirka arimaha gudaha, mudane Maxamed Nuur Caraale (DUUR). Wasiir Duur wuxuu ku sheegay ujeedada safarka madaxweynahu in uu yahay fariin cad oo uu cid u dirayo; madaxweynuhuna in uu yahay nin aan lagu xaman karin in uu dadka geynayo Xamar.
Kama hadlayo arinta tegista Xamar iyo is xajiimeynta ka dhex aloonsan dadka xilka ummadda lagu aaminay; dawlad iyo mucaaradba. Waxaanse ka hadlayaa siyaasad la’aanta, samir yarida iyo saalax-weetaynta ka muuqata xukuumadda, kuwaas oo safarkani inoo sawiray.
1. Siyaasad la’aan: safarka Bali-gubadle iyo taallada laga soo dhisay kama jawaabayaan siyaasadda xukuumaddu ka leedahay arimaha dibadda, waxayse muujinayaan siyaasad la’aanta haysa.
2. Samir yarida: waxa kale oo safarkani inoo sheegayaa samir yarida xukuumadda; sida aanay u sugneyn iyo sida ay ugu nugushahay nabaradda ay taabanayaan mucaaridku.
3. Saalax-weetayn: dadka bacadka lasoo tubay ee siigadda baabuurtu qarisay, wixii sacab la tumay iyo wixii madaxweynuhu u socday ma ahayn kuwo isu dhigma.
Si kasta oo xaalyahay waxaa haboon in aan xusiisino madaxweynaha iyo xukumaddiisaba in dadku u doortay in ay ka jawaabaan danahooda iyo duruufaha haysta ee aan loo diran in loo jawaabo mucaarid. Waxa kale oo haboon in aan dadka loogu tegin safaro madhan iyo mikirifoon layska caayo. Dadku waxay ka sugayeen madaxweynahooda iyo xukuumadoodaba wax niyadda iyo naftaba wax tara.
Axmed-Keyse Cali Rooble
Ahmed.roble@gmail.com
——————————————-
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
↧
Safarkii Bali-gubadle: siyaasad la’aan iyo saalax-wetayn! By- Axmed-Keyse Cali Rooble
↧