Gudoomiyaha Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya korneel Muungaab ayaa dadka uga digay in ay aflagaadeeyaan ama wax ka sheegaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ee sida uu sheegay naftooda u huray difaacidadda danaha dadka iyo dalka.
Gudoomiyuhu wuxuu sheegay in aan loo dulqaadin doonin hadalada meel kadhaca ku ah ciidamada dowladda Soomaaliya, hadaladaas oo sida uu ku dooday beryahan dambe warbaahinta ku batay.
"Cidii ciidamada dowladda hadal wax u dhimaya sumcadooda sheegta waxaana la tiigsaneynaa sharciga, waa qasab in aan difaacnaa sharafta ciidamada" Gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.
Hadalka gudoomiyaha oo ayaa ku soo aadaya xili ciidamada dowladda la sheegay in ay dhibaatooyin u geysteen shacabk masaakiin ah oo aan awoodin in ay ka hortagaan dhibaatooyinka loo geysanayo.