Waxaa agagaarka Dekadda Wayn ee Magaalada Muqdisho lagu arkay ciidamo si aad ah u hubaysan oo tiradoodu ka badan tahay 150-Askari oo aad u tababaran isla markaana hubkooda u dhan yahay qabana tababar nooc walba leh ayaa ku sugan magaalada Muqdisho, kuwaasi oo markii guu horeysay lagu arkay iyagoo ilaalo ka haya markab ay leedahay Dowladda Iiraan oo ku sugan xeebta ku dhow Dekedda caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.
Markabkaasi u raran Dowladda Iiraan ayaa macaawino u sido dadka ay abaaraha saameeyeen ee ku soo jabay magaalada Muqdisho, waxaana la sheegayaa in ciidamada AMISOM ay hor istaageen markabkaasi inuu ku soo xirto dekedda Muqdisho, iyadoo aan la ogeyn sababta arrintaasi keentay.
Ciidamada calooshood u shaqeystayaasha ah ee ilaalada ka haya markabka u raran Dowladda Iiraan ayaa u dhashay wadanka K/Afrika, iyadoona madax ka tirsan Dowladda Iiraan ay iminka dadaal ugu jirto sidii markabkaasi uu ugu soo xiran lahaa dekedda Muqdisho si looga dejiyo shixnadaha mucaawinada ah ee saaran.
Madax ka tirsan Dowladaha Soomaaliya, Iran iyo Uganda ayaa shir qarsoodi ah oo ay ku yeesheen magaalada Muqdisho waxay uga wadahadleen sidii markabkaasi uu ku soo xirto Dekedda, inkasta oo warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in Dowladda Iiraan ay ka caga jiideyso markabka inay ku soo xirto Dekedda Muqdisho lagana cabsi qabo in dib looga celiyo Soomaaliya isla markaana loo wareejiyo wadamo kale oo xiriir la leh Dowladda Iran.
Dhinaca kale Arrintaan ayaa soo baxday xilli uu mugdi soo kala dhex galay cilaaqaadka Dowladaha Soomaaliya iyo Iiraan tan iyo wixii ka dambeeyay shirkii sanadlaha ahaa ee QM, markaasi oo xilli uu khudbeynayay madaxweyne Axmadi Njad xarunta QM Soomaaliya ka mid ah noqotay 17-Dowladood oo isaga baxay khudbadaasi.
HeeganTV
↧
Markabkii macaawinada Iiraan oo laga yaabo inuu dib u laabto.
↧