Wararka aan ka heleyno degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in qarax nooca remoteka ah loo dhigay gudoomiyaha degmada Guriceel Cusman ciise Taardhuleed uu dab qabadsiiyey isla markaasna burburiyey gaari uu la socday guddoomiyuhu.
Qaraxa oo la aaminsanyahay inuu ahaa kuwa meelaha fog laga hago ayaa ka sakoow burburka soo gaaray gaariga gudoomiyaha waxaa ku dhaawacmay labo caruura oo uu dhalay iyo nin dhalinyaro ah oo ku ganacsanayay guriga agagaarkiisa.
Gudoomiye Cusmaan Ciise Taardhuleed oo la hadlyay wax yar uun kadib markii uu ka badbaaday qaraxa loo dhigay Idaacada hornAfrik ayaa ILAAHAY uga mahad celiyay sida uu uga badbaadiyay qaraxaasi wuxuuna xaqiijiyay inay dhaawacyo fudfudud ay soo gaareen caruur uu dhalay.
Ma jirto ilaa hada koox sheegatay iney ka danbaysay qaraxa ka dhacay Guriceel hase yeeshee degamadaasi ayaa amaankeedu soo hagaagayay tan iyo markii ay maamulka degmadaasi la wareegeen culumaa,udiinka Ahlu-sunna Walajaamaca.