Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

song “waa in aan qancinaa taageerayaasheena”

$
0
0

04 Oct 2011-  Alex Song oo ka mid ah ciyaaryahanada lafdhabarta u ah kooxda xili ciyaareedkan la ildaran musiibada Guuldarooyinka ayaa waxa uu sheegay in ciyaaryahanada Arsenal looga fadhiyo inay wax ka badalaan hanaankooda ciyaareed.
Song ayaa shaaciyay in kooxda ay iminka marayso halkii ugu xumaa ebed lagama maarmaana ay tahay soo celinta sharaftii arsenal oo uu sheegay inay kusii dhacayso Hog dheer.
“ma dareemaayay wax aan ku farxo maxaa yeelay waxan haysanay fursado badan waxaana nalaga sugaa guulo badan,waxaana u bahanahay inaan wax ka barano dhacdooyinkii nasoo maray’
Laacibkaan ayaa dhanka daafaca maalmahaan ka ciyaaraayay waxa uuna intaasi raaciyay in sidoo kale ciyaarayahanada Kooxda looga fadhiyo inay qanciyaan Rabitaanka Taageerayaasha kooxda.
“waxaan u baahanahay inaan isdaba qabano,macquul maahan inaan dhibco kale luminaa,taageerayaashana taas nagama yeelayaan,waana inaan tasi mustaqbalka wax ka baranaa, maxaa yeelay haatan ma qumanin,”
Kooxda Arsenal ayaa haatan xaaladu ku cakirantahay waxaana iminka ay la daalaa dhacaysaa darsin dhaawacyo ah oo soo wjaahday,waxaana sii baaba aaya hanaankii awoodeed ee naadiga iyo kubadii baaska qurxooneed ee astaanda u ahaa Arsenal.
Mohamud Hassan idaajaa
idaajaa4@gmail.com
idaajaa_11@hotmail.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles