Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Maxaa ka soo Baxay Kulankii Gaalkacyo ku Dhexmaray Saraakiisha Amisom iyo Masuuliyiinta Galmudug?

$
0
0

Gaalkacyo (RBC) Wasiir ku xigeenka warfaafinta ee maamulka Galmudug Axmed Maxamed Baasto ayaa faahfaahin ka bixiyey kulan maalintii shalay koonfurta Gaalkacyo ku dhexmaray masuuliyiinta Galmudug iyo wafdi saraakiil ciidamada Amisom ka socda iyo DKMG ah oo beryahan ku sugnaa Garowe iyo Gaalkacyo.
Axmed Maxamed Baasto oo warbaahinta gudaha u faahfaahiyey waxyaabihii ka soo baxay kulankii shalay ka dhacay madaxtooyada Galmudug ee koonfurta Gaalkacyo ayaa sheegay in labada dhinac ay ka wada hadleen arimaha amniga gobolka iyo sidii loo caawin lahaa maamulka Galmudug.
“Wafdiga waxaa soo dhoweeyey masuuliyiinta Galmudug, waxaana na dhexmaray wada hadal fiican. Ugu horeyn waxaan isku afgaranay in 100 askari tababar loogu qaado Galmudug kuwasoo lagu soo tababarayo wadanka Rwanda” ayuu yiri wasiir ku xigeenka warfaafinta Galmudug.
Wasiir ku xigeenka ayaa intaa ku daray in sidoo kale arinta amniga magaalada Gaalkacyo lagu soo qaaday kulanka wuxuuna sheegay in Galmudug lagu amaanay dhanka nabadgelyada ka jirta deegaankeeda.
Kulankan shalay dhexmaray masuuliyiinta Galmudug iyo saraakiisha ciidamada Amisom waxaa ka qeybgalay Gen C/qaadir Sheekh Cali oo ah taliyaha ciidamada militariga DKMG  iyadoo dhanka Galmudug ay goobjoog ka ahaayeen wasiirada maamulkaasi.
Kulankan waxaa ka horeeyey kulan kale oo ay saraakiisha Amisom iyo kuwa DKMG ah la soo yeesheen masuuliyiinta Puntland iyagoo soo maray magaalada Garowe oo ay afar maalmood joogeen.
Socdaalka saraakiisha Amisom ay ku tageen Puntland iyo Galmudug ayaa ah kii ugu horeeyey oo saraakiil Amisom ka socota ku tagaan deegaanada labada maamul. Wuxuuna socdaalkan ku soo aaday xilli xaalad amaandari ay ka jiraan magaalada Gaalkacyo.
RBC Radio


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>