Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Fadeexadii Batalaale

$
0
0

Waxaan marka hore salaamayaa dhamaan Shacabka Soomaliland meel kasta oo ay joogaan. Mark labaadna waxaan salaamayaa warbaahinta Somaliland waxaanan leeyahay aad ayaanu idiinku mahadineynaa sida hagarlaanta leh ee aad nooga haqab dirtaan wararka wadankeena hooyo.
Aniga oo ah Yuusuf Yaasiin Sugule, oo degan magaalada Berbera, ahna Macalin wax ka dhiga Dugsiga Sare ee Bursade ee Berbera, dhalasho ahaana ka soo jeeda magaaladan Berbera. Ayaan jeclahey in aan u cadeeyo Umada Soomaaliland fadeexad weyn oo ka dhacdey Xeebta Batalaale.
 
Waxa ay Dawladu siisey qof kasta oo ka soo qeyb galey maalintii ugu dambeysay Shirkii Berbera $50.00. Shirkaas oo labadii maalmood ee hore ay 4 Oday iyo 10 kale oo aan ahey Reerka oo raamsi doon ahi ay ku xareesnaayeen qol ku yaala Hotelka Mansoor ee magaalada Berbera. Waxa kale oo ay  halkaa keentay Dawladu Dumarkii Jaamal laaye ee ka mid ahaa dadka laga tirada badan yahey ee degan magaaladan Berbera. kuwaas oo laga garanayey dhaqankoodii in aanu ahey daqanka Ciise Muuse.
 
Hadaba anigu oo u badheedhay in ann shaqadan yar ee aan caruurta masruufkeeda aan ku filneyn in aan ku waayo soo bandhigida xaqiiqda ka dhacdey Batalaale, aniga oo og in aanan waayeen Ilaahey hadaan waayo shaqadan yar.
 
Waxaan u sheegayaa Umada Soomaliland meel kasta oo ay jogaan in dadkii aad ku aragteen Batalaale ay ahaayeen dad ku qariib ahaa magaaladan Berbera, isla markaana aanu garan waayey meel laga keenay, isla habeenimadiina ay ka baxeen magaaladan dhinac ay u baxeena aanu garan la'nahey.
 
Hadaba maadaama ay ku kaceen fadeexadaa qaawan dadkii ay dawladu u xilsaaratey gobalkan, ayaan u soo jeedinayaa in ay karaama la'aanta intaa le'eg eey ay masuuliyadeeda iyagu leeyihiin in ay xilka ey ku fashilmeen ay iska casilaan. Inkastoo aanu ognahey in Madaxda sare ee Dawladu ka dambeysay una ogolaatey in ay sidaa u isticmaalaan Xoolaha Umada. hadana waxa cad in ay iska garan waayeen oo ay noqdeen dad aan caqli dheer oo ay wax ku arkaan aan laheyn isla markaana ah dad u shaqeenaya sidii Gaandhi iyo Morgan u shaqeen jireen.
 
Waxaanu leenahey baneeya oo waliba cafis weydiista Reerka aad magaciisa sheeganeysaan. anigu Yuusuf ahaan u maleyn maayo in ay cidi idin saamaxeyso'e.

 
Wasalaamu Caleykum
Yuusuf Yaasiin Sugule. 
=============================================================================================================================================
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla.
 
 
 
 
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>