Cismaan Ciise Nuur, Gudoomiyaha maamulka degmada Guriceel ee Ahlu Sunna Waljamaaca ayaa ka badbaaday Qarax Miino oo sida muuqata meesha loogu aasay xili uu ku sii jeeday Hoygiisa.
Gudoomiyaha ayaa waxaa qaraxan lagula eegtay bar Kaantarool oo aan sidaas uga fogeyn Hoygiisa sida dadka deegaanka laga soo xigtayna qaraxan ayaa ahaa mid aad u xoog badan oo hugunkiisa laga maqlay meelo aad uga fog goobta uu ka dhacay.
Qaraxan oo sababay dhaawaca afar qofood oo ilaalada Gudoomiyaha ka tirsan ayaa waxaa markii uu dhacay ka dib goobta soo gaaray ciidamo ka tirsan Ahlu Sunna oo aad u fara badan.
Ma jiraan ilaa iyo hadda koox ama shaqsiyaad sheegtay mas'uuliyada Qaraxan marka laga soo tago tira dad ah oo ay maamulka Suufiyiintu u xirixireen tuhun.
Qaraxyada noocan oo kale ah ayaa aad ugu badan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya waxaana inta badan geysta kooxo iska soo horjeeda oo aan dan ka laheyn tahluukada ay sameeynayaan cida wax ku noqoneysa gaar ahaan shacabka oo inta badan iyagoon warqabin qaraxyadan ku baaba'a.