Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

TAXANIHII MACALIMIINTA -III

$
0
0

Waa qeybtii saddexaad ee aynu ka soo diyaarino taxanahan aynu ugu talo galney in aynu ku soo bandhigno fikrado muhiim u ah arimaha macalimiinta iyo saameynta ay macalimiintu ku leeyihiin nolosha da,yar badan oo waxbarasho ku jirta dugsiyadana ku jira.waxa aynu qeybtana kusoo qaadan doonaa arimo kale.
Mr.X waa mid ka mid ah macalimiin dugsi wax ka dhiga,wuxuu ka sheekeynayaa arimo badan oo kala duwan,ugu horeyn wuxuu inoo sheegayaa in uu maalin maalmaha ka mid ah soo galay fasal uu ardey 40 gaadheysa wax ugu dhigi jirey,fasalkaasi oo maamulkiisana isagu gacanta ku hayey.markii uu xiisadii soo galay ayaa mar qudha ardeydi ay sacabka u qaraaceen,waxaaney ku yidhaahdeen waa maalintii macalimiinta aduunka,waxa la gudoonsiiyey ubaxyo,waxaana halkii lagu siiyey hadyado kala duwan o dhammaan ardeydu ugu talo galeen,aad buu u farxay mar in uu arko ardeydiisii oo macalinkoodii ku faraxsan munaasibada maalinta macalimiinta aduunka,waxaase wax laga naxo aheyd in macalinku aanu la soconba in maanta ay ku beegneyd maalinta loo asteeyey macalimiinta aduunka,waxaana taasi ka sii darneyd in macalinku shaqada ka tagi doono todobaadka danbe oo uu xilka iska wareejin doono macalinimadana uu ka bixi doono.mar wuu farxaa,marna wuu murugoodaa oo wuu ka naxaa dhalinyartaasi isaga la qabsatay ee uu ka tagaayo. 
wuxuu macalinku dib u xasuustay maalintii ugu horeysey ee dugsiga la keeno,maalintii ugu horeysey ee macalinimo uu faraha la soo galo,wuxuu xasuustaa isaga oo xafiiska la keenay,wuxuu dib u xasuustay maalintii ugu horeysey ee la is baray isaga iyo maamulaha dugsiga,waxaana xasuuus gaar ah u leh oo maanta aad uga oohisey markii ugu horeysey ee fasalka la dhex geeyo,maalintii maamuluhu soo baray ardeyda macalinka cusub ee loo keenay,markii isaga iyo fasalkii loo kala tagay maalintii ugu horeysey ee uu macalin noqdo.tolow maxaa ku dhaca macalimiinta marka ugu horeysa ee ay fasalka yimadaan ama ay shaqadani bilaabayaan,waxa macalinkan Mr X ku soo hagaagay mid ka mid ah fasalada dugsiga ee ay dhigtaan ardeyda ugu akhlaaqda xun,ama rabashada dugsiga inta sameeya,waa ardey xagga akhlaaqdana ka hooseeya kuwa kale,waana mid ka mid ah ardeyda dugsiga ee xagga imtixaankana ugu liidata,waa maalintiisii ugu horeysey,waxaana gadhka laga geliyey fasalkii ugu rabshada badnaa dugsiga oo uu macalin iyo mamuulba u noqon doono.waxa uu kala kulmey ardeydii arimo badan oo niyad jab ku keeni kara macalin hadda shaqada ku cusub,macalinka oo wax lagu soo tuuro marka uu wax qoraayo,maqnaansho badan,hablaha oo afka lala galo,dacaayada gidaarada lagu qoro,daaqadaha oo fasalka laga soo daawado,masaxaada fasalka oo la qariyo,balwado xun,qalin qaadasho badan,xaadiris lagu ciyaaro,dagaal iwm.arimahaasi oo marar badan macalinka ku keenay in uu dalbado in laga wareejiyo fasalkan haddana uu ku guuleysan kari waayey.
waa macalin aqoon u leh macalinimada hase ahaate waa markii ugu horeysey ee uu shaqadana faraha la soo galo,waxaana uu u baahan yahay khibrad uu ku maamulo iyo la qabsi uu fahmo ardeydiisa,wuxuuna markii danbe go,aansaday in uu samir yeesho.waxaanu ku fekiray sidii uu fasalkan uga dhigi lahaa mid ka mid ah ardeyda ugu wanaagsan ee dugsiga jooga.wuxuu macalinkani fahansanaa in ardeyda fasalada ku seexda qaar badan oo ka mid ahi ay ku fiican yihiin xagga sawirka,wuxuu ogaa in ardeyda qaar badan oo ka mid ahi ay ku fiican yihiin xagga farta iyo qoraalka,wuxuu ogaaday in qaar badan oo ardeyda ka mid ahi ay ku fiican yihiin xagga ciyaaraha,waxa kale oo uu ogaaday in ardeyda fasalka ugu fiican ama dugsiyada ugu fiican xagga waxbarashadu ay yihiin kuwo aamusan ama xishood badan kuwaasi oo xitaa aan si fiican u aqoonin hadalka.
wax badan ka dib waxa macalinkii u suurta gashay in uu fasalkii gacanta ku qabto,wuxuuna  bartay oo uu si fiican u fahmay  dhammaan tayadii ardeyda oo qaar badan oo wanaagsan uu ka soo dhex saaray.wuxuu adeegsaday khidad iyo caqliyad macalinimo taasi oo keentay in uu dhammaan badalo ardeydii isaga oo aan midna eryin midna weligii dilin.wuxuu fasalkii ka soo saaray ardey dugsiga laga jeclaaday markii danbe,ardey isku xidhan oo iswada jecel,ardey nadaafada ilaalisa,ardey luqada englisha si fiican ugu hadasha ama u baratay maxaa yeelay wuxuu ahaa macalin english isagu.waxaan weli xasuustaa waanooyin badan iyo dhiirigelin badan oo aan ku badalay marar badan ayuu yidhi Mr X. 
Mr X wuxuu maalin ka mid ah maalmaha soo galay fasalkii waa markiisii ugu danbeeyey,wuxuuna doonaayey in uu sii salaamo ardeydii uu inta badan wax u dhigaayey,wuxuu ka tagayaa macalinkii shaqadii,markii uu fasalka soo galay ee ardeydii loo sheegay in macalinkii ka tagaayo oo uu shaqo kale helay qaar badan oo ardeyda ka mid ah ayaa wada ilmeeyey oo oohin hadli kari waayey,erayo runtii murugo ku wada jirto ayaana ardeydii macalinkii ay ku si sagootiyeen,wey u mahadnaqeen waxaaney uga mahadceliyeen sidii wanaagsaneyd ee uu wax u soo baray akhlaaqdoodana u soo dhisay,macalinka laftiisiina waxa la dareemay isaga oo ilmeynaya oo wejigiisi is badalay. 
inkasta oo aan dugsigii ka tagaayo,haddana marna ma ilaawi doono ardeydii aan wax u dhigi jiray,waa shaqo adag,waana mid ka mid ah shaqooyin dad loo qabto kuwa ugu qimaha badan,waxaan ku bartay waayo badan iyo dhaqano kala duwan,waxaan wax weyni iska badalay aqoonteydii oo kor u kacday iyo habka xalinta khilaafaadka,habka dhiirigelinta iyo qiimeynta ardeyda intaba.waxaan ku faraxsanahay in aan ka tagi doono ardey aan jidka guusha cagta u saaray,waxan salaamaya dhammaan ardeydii aan wax u dhigi jirey.ilaahay ha idin naxariisto,ilaahay ha idiin ilaaliyo.nabadgelyo marna ma ilaawi doono xasuustiina.
 
La soco……………………..
Abdifataah Mohamed Ahmed
 
 
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>