Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

WAR DEG DEG AH: DAD KA BADAN KONTON QOFOOD OO KU DHINTAY QARAX ISMIIDAAMIN AH OO WAQTI YAR KA HOR KA DHACAY MUQDISHO

$
0
0

WAR DEG DEG AH: War hadda naga soo gaaray dhanka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in halkaas uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo galaaftay inta la hubo dad ka badan 50 qofood halka dhaawucuna uu intaas aad uga badan yahay.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan ayaa waxaa la soo sheegayaa in uu ka dhacay xaruntii hore ee Hargaha iyo Saamaha oo ku taal inta u dhexeysa isgoysyada Nambar Afar iyo Zoope, waxayna xaruntani saldhigyo u aheyd wasaarado badan oo xukuumadda Soomaaliya ka tirsan.

Qaraxan ayaa loo adeegsaday sida warar hordhac ah lagu helayo gaari nooca xamuulka qaada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay, waxaana la tuhunsan yahay in al Shabaabku ka dambeeyaan inkastoo aysan weli sheegan iyagu mas'uuliyadda qaraxan.

Xaaladdu waa cakiran tahay waxaana lagu guda jiraan daabulida dhaawaca iyo dhimashada wixii war ah ee soo kordhana dib ayaan idiinkaga soo sheegi doonaa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>