Gaari xamuul ah oo bambo lagu soo buuxiyey ayaa ku qarxay dhisme ku yaalla magaalada Muqdisho, halkaas oo ay deggan yihiin siddeed ka mid ah wasaaraha DKMG ah ee Somalia.
Dad goobjoog ah ayaa sheegay in dhowr darsan oo dad ahi ay qaraxa ku dhinteen, halka in ka badan 60 kalena ay ku dhaawacmeen. Wariye VOAda ka tirsan oo goobta joogay ayaa dhismaha dibaddiisa ku tiriyey 21 ruux oo meyd ah. Goobjoogeyaasha ayaa sheegay in dhimashadu ay intaas kasii badan tahay.
Goobjoogeyaasha ayaa laanta Afka-Soomaaliga ee VOAda u sheegay labo is-miidaamiye ay gaari xamuul ah oo walxaha qarxaa ka buuxaan ay dhismaha ku duqeeyeen.
Dhismahan ayaa waxa deggan wasaaradaha Arrimaha Dibadda, Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga iyo kuwa kale. Warfidiyeen Soomaali ah oo goobta joogay ayaa VOAda u sheegay in dhibanayaasha badankoodu ay ahaayeen arday goobta u yimid Wasaaradda Waxbarashada si ay u ogaadaan imtixaanadii ay u galeen deeq waxbarasho oo dalka Turkigu bixiyey.
Wixii warar ah ee dheeraad ah, VOAda kala soco.