Xukuumadda Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa qarax maanta lala beegsaday dhisme ay ku yaallaan dhowr wasaaradood, halkaasoo uu naftii-hallige ku dilay illaa 20 qof, ayna ku dhaawacmeen illaa 30 qof. Waxaa qaraxa loo adeegsaday baabuur weyn.
Dadka dhintay ama dhaawacmay waxaa ku jiray ardey iyo waalidiin sugayay natiijada deeqo-waxbarasho oo ay bixineysay Wasaaradda Tacliinta Sare ee Soomaaliya.
Mas’uul sare oo ka tirsan Xukuumadda oo halkaasi wax ku noqday ma jiro.
Weerarkan wuxuu muujinayaa in khatarta ka imaaneysa argagixisada aysan weli dhammaan oo ay jiraan dad weli doonaya inay carqaladeeyaan horumarka ay shacabka Soomaaliyeed ka sameeyeen dhinaca nabadgelyada.
Xukuumaddu waxay tacsi u direysaa dhammaan qoysaska ay dadkoodu geeriyoodeen, waxayna u rajeyneysaa kuwa dhaawacmay inay deg deg u soo kabtaan.
↧
Xukuumadda KMG oo cambareysay weerar is-qarxin ah oo ka dhacay Muqdisho
↧