Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa barnaamij gaar ah ka sameeyey mashaqadii maanta ka dhacday magaalada Muqdisho taasi oo ay ku naf waayeen dad badan oo Soomaaliyeed kuwaasi oo u badan Arday ku hamineysay inay Mustaqbalkooda Waxbarasho sii wataan .
Ardayda goobta ku naf weysay waxa ay isugu jiraan Laba qeybood oo kala ah:-
Qeyb ku guuleysatay imtixaanka ay u galeen deeqda Waxbarasho oo usoo aaday xarunta Wasaaradda Waxbarashada inay qaataan Fiisooyinkii iyo Tikidadii u fududeyn lahaa inay dalka Turkiga Waxbarasho u aadan.
Iyo Qaybta kale oo ah Arday hada dooneysay inay buuxiyaan Foomamka imtixaan gelista si ay uga qeyb qaataan imtixaanka loo galayo deeqda Waxbarasho oo iyaguna saakay u yimid Xarunta Wasaaradda Waxbarashada,Hidaha iyo Tacliinta Sare inay heleen waraaqihii ay imtixaanka ugu fariisan lahaayeen.
Hadaba Barnaamijkaan ayaa waxaa uu ka hadlayaa qaabka ay dhacadadu u dhacday iyo xanuunka ay Umadda Soomaaliyeed ku reebi karto waxaana ka qeybgalaya Waxgaradka indhaha u ah Bulshada iyo Ardayda Soomaaliyeed ee Wax kabarata Jaamacado ku yaala dalalka Caalamka qaarkood.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Barnaamij Gaar Ah Mashaqadii Shaamoow 2 Tabiye Jayte Farsamo Cabaas
↧
Radio Muqdisho Oo Barnaamij Gaar Ah Ka Sameeyey Mashaqadii Maanta Muqdisho Ka Dhacday Ee Shaamoow Laba(Dhageyso)
↧