Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Madaxweyne Sheekh Shariif Oo Sheegay In Dadkii Dhaawacyada Halista Ay Kasoo Gaareen Qaraxii Maanta Dibadda Loo Qaadayo(Dhageyso)

$
0
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo galabta Shirjaraa’id oo uu kaga hadlay dhacdadii maanta ka dhacday xaruntii Hargaha iyo Saamaha ayaa shaaca ka qaaday in dadkii dhaawacyada halista ah goobtaasi ay kasoo gaareen dalka Dibaddiisa Caafimaad loogu qaadi doono.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Shirka Jaraa’id Ee Madaxweyne Sheekh Shariif
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ugu horeyn Tacsi u diray eheladii ay ka geeriyoodeen iyo Shacbiga Soomaaliyeed oo uu uga tacsiyeeyay geerida xanuunka badan ee ku timid dadkii maanta geeriyooday Qaraxii ka dhacay magaalada Muqdisho oo u badnaa Arday waqtigan doonayey inay dalka Dibaddiisa u aadaan Waxbarasho.
Waxa uu xusay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in dadka ku geeriyooday qaraxa maanta ay tiradoodu gaarayso 70ruux islamarkaana ay ku dhaawacmeen dad ku dhow 200 kuwaasi oo iyagu u badan Arday Mustaqbalka dalka Soomaaliya usoo baxayey iyo dad kale oo goobta ka ag dhowaa waxaana uu Madaxweynuhu sheegay in Weerarkan ay kooxdu u adeegsatay waxyaabo kiimikeysan oo jirka bani’aadamka gubaya.
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo ka hadlay Sheegashada Maleeshiyada Shabaab ee Qaraxa maanta ayaa tilmaamay in sheegashadooda fal lagu laayey dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan ay muujinaysoo sida ay waqtigan Awoodooda u daciiftay waxaana uu Madaxweynuhu carabka ku adkeeyey in Dowladdu sida ugu dhaqsiyaha badan u qaadi doonto talaabooyin arintaasi looga jawaabayo.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa shirkiisa Jaraa’id waxa uu kusoo hadal qaaday cida weerarka nafteeda ku haligtay waxaana uu xusay Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed in qof u dhashay dalka Kenya uu ka mid ahaa dadka goobta isku qarxiyey oo naftiisa ku haligay hadana ay socdaan baaritaano lagu cadeynayo wararka ku aadan in dadka falkan fuliyey ay gaarayaan Seddex qofood.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>