Muqdisho (RBC) Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo ka mid ah mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya oo maanta dhaawac uu ka soo gaarey qaraxii lala beegsaday xarun ay degan yihiin wasaarado ka tirsan DKMG oo ku yaalla agagaarka isgoyska KM4 ee magaalada Muqdisho ayaa ka waramay xaaladiisa caafimaad.
Xildhibaanka ayaa RBC Radio u sheegay in hadda xaaladiisa caafimaad ay fiican tahay uuna ka soo baxay isbitaalka, isagoo si aad ah u cambaareeyey kooxda Al-Shabaab oo qaraxa sheegatay.
“Adeer Illaahay mahadii, sida ay noogu talagaleen kooxda daalimiinta ah ee NABADDIIDKA ah Illaahay waxba nooma yeelin aad baana u fiicanahay dee waa aniga kula hadlaya” ayuu yiri xildhibaan Daahir Ciiro oo wareysi siiyey RBC Radio.
Xildhibaanka oo aan weydiiyay sida wax u gaareen ayaa sheegay in labo meelood oo madaxa ah ay wax ka gaareen isla markaana la tolay, kadibna uu dib ugu laabtay gurigiisa.
Mar aanu weydiinay sida bal dareenkiisu ahaa qaraxa markii uu dhacay ayuu yiri “Anigu markaan arkay inaan lugahayga ku socon karo ayaan nafteyda u dhaqaaqay oo gaari doontay isbitaalkana anigaa tegey”.
Wuxuu sheegay inuu isagu arkay tobaneeyo ruux oo dhaawac iyo meyd isugu jira oo goobta yaalay kuwaasoo ku waxyeeloobay qaraxii maanta lala beegsaday xarun ay wada degan yihiin siddeed wasaaradood oo ka mid ah DKMG Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa si kulul u cambaareeyey kooxda Al-Shabaab oo weerarka qaraxa maanta geysatay isagoo sheegay inay yihiin daalimiin dadka dhibaato ku haya. Wuxuuna xildhibaanka ku baaqay in meel looga soo wada jeesto oo aan la qarin kuwa qaraxyada soo diyaariya iyo meelaha ay ku diyaariyaan.
Dhanka kale xildhibaan Daahir Ciiro ayaa si kulul u dhaliilay heerka amniga ee magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dawladu ku fashilantay adkeynta amniga isla markaana ay maalin walba masuuliyiinta DKMG ay bixiyaan derejooyiin aan mudneyn, siduu sheegay.
RBC Radio
↧
Xildhibaan Daahir C/qaadir Ciiro oo Qaraxii Maanta Ku Dhaawacmay oo U Waramay RBC Radio (Dhageyso)
↧