Xogyaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka, Hillary Clinton ayaa cambaareysay weerarkii argagixisada ahaa ee ka dhanka ahaa rayidka Muqdisho, sida lagu sheegay wax saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibedda Mareykanka.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in falkan fulaynimada ee argagixisada ah inuu mar kale muujinayo sida Al-Shabaab aysan wax dan ka lahayn nolosha bani’aadamka iyo mustaqbalka Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Al-Shabaab ay weli sii wadaan inay khatar geliyaan oo dilaan shaqaalaha gargaarka, isla markaana ay laayeen dadkii ay sheeganayeen inay ilaalinayaan.
War saxaafadeedku wuxuu intaasi ku daray in Al-Shabaab ay dhagaha ka fureysatay baaqyadii ka imanayay Jaamacadda Carabta, beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed ee ahaa inay fasaxaan in gargaar la gaarsiiyo dadka baahan xilli caalamku uu haatan u soo jeestay abaarta iyo macluusha ka jirta Soomaaliya.
Ugu dambeyntii Hillary Clinton waxay tacsi u dirtay qoysaska iyo asxaabta ee dadkii wax ku noqday weerarka, waxayna sheegtay in dowladda Mareykanka ay garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed ee nabadda doonaya oo ay ka mid tahay Xukuumadda KMG ah.
↧
Hillary Clinton: “Shabaab waxay laynayaan dadkii ay sheeganayeen inay ilaalinayaan”
↧