Hay’adda nabad sugidda qaranka ayaa maanta soo banadhigtay dhallinyaro ka tirsanaa kooxda shabaab oo isu soo dhiibay dowladda.
Kadib markii dowladda Soolmaaliya ay dhowr jeer oo hore ku celcelisay in dhallinyarada ay marin habaabiyeen maleeshiyaadka kooxda shabaab isaga soo baxaan kooxdaasi islamrkaana ay isu soo dhiibaan dowladda ayaa waxaa maanta Saxaafadda loogu soo bandhigay xarunta hay’adda nabad sugidda qaranka ilaa iyo 4 wiil oo dhallinyaro ah kuwaas oo ay horay u tashkiiliyeen maleeshiyaadka kooxda Shabaab.
Dhallinyaradan waxa ay da’dooda u dhaxeysaa 20-22 sano jir iyagoo saxaafadda u sheegay in dhibaatooyin badan ay la kulmeen mudadii ay la soo shaqeynayeen kooxda shabaab oo ay qaarkood goobjoog ka noqdeen iyadoo la gowracyo saaxiibadood kala tirsanaa kooxda shabaab
Magacyada wiilasha la soo bandhigay ayaa lagu kala magacaabaa ;- Axmed Cabdi , Maxamed Cabdi, Najiib Cabdi iyo Jamaal Xasan iyagoo ka soo qeyb qaatay dagaallo ka kala dhacay magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.
Dhowr jeer oo hore ayaa waxaa dowladda ku soo biiray Boqollaal ka tirsaanaa horjoogeyaasha iyo dhallinyarada ay maskaxda ka qaldeen maleeshiyaadka Shabaab kuwaas oo u dulqaadan waayay gummaadka ay ku hayaan dadkooda maadaama afkaarta ay ku shaqeeyaan tahay mid ay soo abaabuleen ajaaniibta dambiileyaasha ah ee ku xiran Kooxda Alqaacida.
↧
He’yadda Nabad Sugidda Oo Soo Bandhigtay Dhallinyarro Ka Soo Goosatay Shabaab
↧