Madxweynaha DKMG ayaa maanta booqday dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalayk a dhacay Muqdisho oo ku jira cisbitaallada Madiina iyo Xalane.
Dhaawacyadan ayaa u badan dad aad u gub-gubtay. Madaxweynaha ayaa sheegay in dhaawacyada halista ah ay u qaadi doonaan dalalka dibedda si loogu daaweeyo.
Shariif Sh. Axmed oo shir jaraaid qabtay booqashada kaddib ayaa sheegay in dowladdiisu ay qaadi doonto tallaabo ay kaga saarayso Muqdisho kooxda al-Shabaab.
M/wenyaha ayaa sidoo kale sheegay in la sameeyay guddi dhaqaale u uruuriya dadkii dhaawacyadu ka soo gaadheen qaraxa. Dowladda ayaana lacag gaaraysa 100 kun oo dollar ku yaboohday akoon loogu talagalay dadkii dhaawacmay.
↧
Shariif: Dowladdu Tallaabo ayay Qaadaysaa
↧