Boosaaso (RBC) Waxaa dekeda magaalada Boosaaso maalintii saddexaad ku xiran markab weyn oo sida la sheegay qalab militari u sida shirkadda Saracen International oo ah shirkad ajnabi oo sanad ka hor joojisay hawlgal ay ka waday Puntland.
Markabkan oo ka soo shiraacday wadanka Imaaradka Carabta ayaa badankiis wada shixnad militari oo isugu jirta dhar ciidan, guryaha la isku xirxiro, baabuuro, qalabka miinooyinka lagu baaro sida uu qiray wasiirka maaliyadda Puntland Faarax Cali Shire oo wariyaasha kula hadlay Boosaaso.
Muxuu sheegay wasiirka maaliyadda?
Wasiir Faarax Cali Shire ayaa qeyb ahaan qiray in markabkan ay leedahay shirkadda Saracen International iyo inuu markab sido shixnad qalab militari ah ah wuxuuna yiri “ Markabku wuxuu kaloo sidaa Qalab isugu jira, Guryaha la isku xirxiro, Taasi oo loogu talagalay in loo dhiso Ciidamada la dagaalanka Burcad-badeeda Puntland oo xaruntoodu tahay Boosaaso, Wuxuu kaloo sidaa gawaari raashinkaas lagu qaybinayo, loona keenay in abaaraha wax loogaga qabto ka dibna ay isticmaalayso Dowladda Puntland, 49 Baabuur, oo isugu jira baabuurta waaweyn, Booyado iyo hal baabuur oo yar”.
Wasiirka maaliyadda Puntland- Faarax Cali Shire
Faarax ayaa intaa ku daray in sidoo kale markabka uu wado raashiin deeq ah oo ka timid dawlada Imaaraadka Carabta taasoo qeyb ah deeqaha caalamka ugu talagalay dadka abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliyeed.
Baarista macdanta iyo Saracen
Wasiirka ayaa intii uu shirkiisa jaraa’id ku guda jiray la weydiiyey in shirkaddan oo wadata ciidamo calooshood u shaqeystayaal ajnabi ah ay ka qeybqaadaneyso macdan baarista deegaano ka mid ah gobolka Bari laga sameynayo oo beryahan la hadal hayey, hase ahaatee su’aashaaasi wasiirku toos ugamuu jawaabin.
Goormay soo laabatay Saracen?
Shirkadda Saracen International oo ah shirkad amniga qaabilsan waxay Puntland ka hawl bilawday sanadkii 2010 ka dib heshiis ay la gaartay DKMG Soomaaliya iyo Puntland. Waxayna qorsheyneysay inay tababaro siiso ciidamada badda Puntland iyo kuwa xeebaha.
Hase yeeshee hawlgalka Saracen waxaa uu si deg deg ah u joogsaday ka dib Qaramada Midoobay iyo dawlada Mareykanka ka qeyliyeen qaabka qarsoodida ah ee ay shirkadda Saracen ku tagtay Soomaaliya. Walaaca UN-ka iyo Mareykanka waxaa uu sii xoogeystay ka dib markii diyaarad agab militari u siday shirkaddan oo ka degi lahayd Garowe ay si khalad ah uga degatay garoonka diyaaradaha Hargeysa bilawgii bishii December 2010 taasoo maamulka Somaliland uu si weyn uga qeyliyey.
Saraakiil Qaramada Midoobay iyo kuwa Mareykan ah oo ka hadlay arinta Saracen waxay ku tilmaameen in qaab aan cadeyn shirkaddan ku timid Soomaaliya, iyagoo tuhun weyn ka muujiyey waxa ay qabaneyso shirkaddan oo sida la sheegay soo kireysatay calooshood u shaqeystayaal ajaaniib ah oo u badan saraakiil hore uga tirsanaan jiray sirdoonka Mareykanka iyo Ingiriiska. Waxaana ugu dambeyntii Qaramada Midoobay iyo Mareykanka culeys ku saareen Puntland inay joojiso heshiiska ay la gashay shirkaddan bishii March 2011 [Halkan ka Akhri faahfaahinta]
Waxaana hadda cadeyn qaabka ay ku soo laabatay Saracen iyo haddii uu jiro heshiis cusub oo ka bedelan kii markii hore ay ku timid. Wasiirka maaliyadda oo su’aalo badan wariyaashu weydiiyeena wuu ka gaabsaday inuu tafaasiil buuxda ka bixiyo waajibaadka cusub ee shirkaddan.
Dhanka kale iyadoo uu weli markabka u rarar Saracen uu taagan yahay dekeda Boosaaso ayaa waxaa hakad la geliyey hawshii dekedda ka socotay sababo lagu micneeyey amniga dartiis.
RBC Radio
↧
Markab Saanad Militari u Wada Shirkadda Saracen International oo ku soo Xirtay Dekedda Boosaaso (Warbixin & Sawiro)
↧