Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Kenya oo dad u xirtay Afduubkii Haweeneyda Faransiiska

$
0
0


Dowladda Kenya ayaa xabsiga dhigtay 7 qofood oo lala xiriirinayo afduubkii dhawaan xebaha ku yaalla xadka Soomaaliya loogu geystay haweneey u dhalatay dalka Faransiiska oo loo gudbiyay gudaha waddanka Soomaaliya.
Saraakiisha booliska waddanka Kenya ayaa warbaahinta u sheegtay in afduubkii ka dhacay goobaha dalxiiska ay ku lug lahaayeen dad ku sugan gudaha Kenya, iyagoo sheegay in howl gal looga jawaabayo ay fuliyeen ciidamada boolisku.
“Macquul maaha in qof uu ka imaan karo dalka dariska ah(Soomaaliya) uunna si toos ah u baaro guri oo uu kala baxo qof” ayuu yiri Taliyaha Booliska Kenya Mathew Iteere oo la hadlay saxaafadda.
Taliyuhu wuxuu sheegay in arrintaasi aysan sinna suura gal u ahayn ayna keentay in dowladda Kenya ay rumeysato in kuwa wax afduubtay ay heleen xubno kale oo caawiyay, kuwaas oo uu sheegay in ay ku dhuumanayaan gobolka.
Mr. Iteere ayaa ku nuuxnuuxsaday in qaar ka mid ah dadkaasi ay bartilmaameedsadeen ciidanku haddana la soo xiray, hase yeeshee kooxda ugu ballaaran kuwa falka geystay ayuu caddeeyay in ay ka soo talaabeen xadka.
Sarkaal ka tirsan ciidamada dalka Kenya oo diiday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay in dadka la xiray ay ku jiraan qaar ka mid ah ilaaladii goobta laga afduubtay haweeneyda Faransiiska ah, kuwaas oo iminka su’aalo la weydiinayo.
Taliyaha Booliska  Kenya ayaa sheegay in baarayaashu ay ogaanayaan sida ay wax u dhaceen iyo in uu jiray xiriir ay kuwa wax afduubtay la leeyihiin dad ku sugan gudaha Kenya, wuxuuna tilmaamay in burcadda wax afduubatay ay la shaqeeyeen dad ku sugan halka uu afduubku ka dhacay.
Kooxo hubeysan ayaa subaxnimadii sabtida afduubtay Marie Dedieu oo ah 66 jir u dhalatay dalka Faransiiska, xilli ay ku sugneyd xeebaha loo dalxiis tago ee Lamu, halka 11 September la afduubtay haweeneey kale oo u dhalatay Britain oo ninkeediina lagu dilay weerarkaasi, dhammaan dadkaasna waxaa la sheegay in lagu heysto gudaha waddanka Soomaaliya.
Yusuf Sheik Isse, Nairobi-Kenya.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles