alla mahad leh salaan sharaf dhamaan shacabweyaa reer somaliland iyo mareegaha u adeega qaran walba waxaa uu xoga saraa sida uu door muuqda uga ciyaari lahaa dunida si taasi u suurto gasho waxa uu ku deedalaa inuu dhiso siyaasada midho dhal ah oo aduunka u cuntanta dantiisana uu ku gaadho hadaan usoo noqdo somaliland oo kamida qaramadaa aduunka kuwa aan wali aqoonsi buuxa ka helin beesha caalamaka ayaa waxaa jahwareer badani ka muuqdey siyaasadeeda arimaa dibada tan iyo 20kii sano somaliland ay aqoonsiga raadinaysey somaliland waa qaran u baahan inuu yeesho siyaasad qaran oo sal adag oo ku wajihan dedaalka loogu jiro in la helo aqoosi buuxa waxaa aynu ka war qabnaa inanay somaliland marana yeelan siyaasad qaran oo biseyel ka muuqdo oo meel la dhigay oo ku wa jahan in dalka loo helo aqoonsi buuxa nasiib daro way kuwada fashilmeen dhamaan xukumadii taladan dalka isaga danbeyey somaliland tusaale loguma soo qadan karo siyasadaa arimaa dibada ee dalalka haysta aqoonsiga buuxa waayo iyagu waxay xooga saraan intabadan iskaashi dhaqaale iyo amni lkn inga waxaa labadaab inoo raaca aqoosiga xukumad walbaa safaro ayeey ku galaa bixisay aduunweynaa lkn natiijo midho dhal ah midna muu soo hoyn hadaan wax yar ka taabto xukumadan manata dalka haysa siyasadeeda arimaa dibada waxaad mooda iney ugu liidato dhamaan xukumadii hore ee dalkan somaray dhinaca arimaa dibada oo aney laheen waji cad oo lagu soo hagaago xukumadu waxay sheegtay inay bedeshay siyaasadii hore ee xukumadii hore mayse cadeeyn dhinaca ay u bedeshay waxaadse modaa in xukumadu siyaasadeeda arimaa dibada urartay dhinaca iyo ku dhawanashaa arimaa somaliya taas oo ilaa hada aaney cadeeyn booska manta somaliland uga banaan arimaa somaliya ee looga ogolyahay an aheen maamul goboleed somaliyeed somaliland hore ayeey deeqo wax barsho caalamka ugu heli jirtay toos ayayna ardayadii reer somaliland ugu dhofijireen garoomada dalka lkn waa markii ugu horeysay ee arday reer somaliland ka socdaa ay muqdisho u tagaan deeq wax barsho waana xagal daaca ka muuqda xukumadan iyo siyasadeeda arimaa dibada somalilad inay xaqeeda donataa waa shay xaqa lkn wadadee ayeey umaraysaa ayaa meesha taal 500 oo arday ayaa somaliya la siiyey 30 arday ayeeynu helay ma qaranimadeeni ayeeynu wax u dhinay mise maamul goboleed ayeey noqney mise xaqeeni ayeeynu soo qadanay shacabka ayaa iska leh jawaaabta waana cadahay jawaabta hadal badan haan ma buuxsho ayeey somalidu tahdaa somaliland meel gadhsiinmayso sida hada wax u socdaan ee xukumad iyo shacaba aynu dib isugu noqono oo saxno khaladkeena siyaasada arimaa dibaduna waxay u bahantahay wado bisayel ka muuqdo ee uma baahna safaro badan oo aan midho dhal aheen iyo sawiro aan shacabka qiimo u sameynayn alla tawfiiqda hayna waa fajiyo dhamaanteen gamcona wada jir ayeey wax ku goyaan somalilana qofksa waa u bahan tahay.
siciid cilimi cawed
sky_18may@hotmail.com
stockholm
—————————————————–
Afeef: Aragtida maqaalku waa mid u gaar ah qoraaga, anaguna hadaanu Oodweynenews nahay waxaanu leenahay Magacaagu yuu noqon mid xumaan ka marag kaca, haka talin masiibiyo wax makhluuqa kalla dilla,
↧
Jahwareerka siyaasada arimaa dibada ee somaliland By: Siciid Cilimi Cawed
↧