Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Guddoomiyihii degmada Xamar Jajab oo xilkii laga qaaday iyo Guddoomiye Cusub oo loo magacaabay

$
0
0





Maxamed Cali Axmed Gudoomiyaha Cusub ee Degmada Xamar Jajab



Muqdisho (RBC Radio) Wareegto kasoo baxday xafiiska guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa  xilka looga qaaday guddoomiyihii degmada Xamar Jajab Bashiir Cabdi Nuur (Bashiir Misiyooni).
Wareetada ayaa sidoo kale waxaa lagu cadeeyay  degmada Xamar Jajab loo magacaabay guddoomiye cusub oo lagu magacaabo mudane Maxamed Cali Axmed.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab oo ah nin dhalinyaro mutacalim ah ayaa magacaabistiisa timid kadib markii xafiiska laga qaaday guddoomiyihii hore ee degmadaasi.
Bashiir Cabdi Nuur (Bashiir Misiyooni) Gudoomiyihii Hore
Xilka qaadista ayaa ka danbaysay xil gudasho la’aan iyo musuq maasuq dhanka raashiinka gargaarka ah oo maxkamadda ciidamada qalabka sida ay amartay in maxkamad hor imaadaan dhamaanba maamulkii degmadaasi.
Dhowaan ayaa waxaa jiray banaanbax balaaran oo looga soo horjeeday maamulka degmadaasi kaasi oo ka dhacay gudaha degmada isla markaana dadka banaanbaxayaash ah ay kaga cabanayeen in maamulka uu musuq maasuqay raashinka gar gaarka ah.
Guddoomiyaha cusub ee degmada Xamar Jajab ayaa looga fadhiyaa wax kaqashada xaaladaha degmada kajira iyo sugidda amniga oo ay barbar socoto soo celinta bilicdii nadaafadda ee degmadaasi.
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>