Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Qasaaraha ka dhashay dagaaladii gobolka Gedo ka dhacay oo sii kordhaya.

$
0
0

Ugu yaraan shan qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah ayaa ku dhintay, tiro intaas ka badanna way ku dhaawacmeen dagaal baqonimadii shalay ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda KMG iyo xoogagga Al-shabaab deegaan u dhexeeya degmooyinka Baladxaawo iyo Garbahaarey ee gobolka Gedo.
Dagaalkan ayaa ka dhacay deegaan lagu magacaabo Tuulo Barwaaqo oo ku dhow degmada Baladxaawo, wuxuuna dagaalka oo ka bilowday weerar ay xoogagga Al-shabaab ku qaadeen ciidammo ka tirsan dowladda oo ka baxay degmada Garbahaarey kuna socday degmada Baladxaawo.
Xarakada Al-shabaab ayaa guulo ka sheegatay dagaalka tuuladaasi iyadoo sheegtay inay ku dishay askar badan, iyadoo dhanka kalena ay saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya iyaguna sheegeen in dagaalkaas ay guulo ka gareen.
Afhayeenka howlgalada Xarakada Al-shabaab Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo ka hadlay dagaalka ayaa sheegay inay dagaalka guulo ka gaareen, isla markaasna ay waxyeelo xoogan ugu geysteen ciidamadii dowladda KMG ee halkaasi marayey, ayna saraakiil sarsare dagaalka ay ku dileen.
Dhinaca kale afhayeen u hadlay ciidamada dowladda KMG ayaa isna sheegay in jogooyo u dhigeen ciidamadooda Xarakada Al-shabaab, ayna iska difaaceen ciidamadii jidgooyinka u dhigtay, isla markaasna ay dileen qaar ka mid ah ciidamadii jidgooyinka u dhigtay sida uu yiri.
Dagaalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan ciidamada Al-shabaab ay dagaal muddo kooban socday ku qabsadeen degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxanaa horay dhowr jeer uga dhacay gobolkan dagaallo u dhexeeya labada dhinac, iyadoo hadda uu halkaasi ka socdo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay labada dhinac ay wadaan.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>