Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Amisom oo ka hadashay dagaalo xoogan oo ka dhacay degmada Kaaraan iyo horumar ay ka sameeyeen

$
0
0

Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom ayaa waxay shaaca ka qaadeen inay horumar ka sameeyeen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, kadib markii dagaalo xoogan ay shalay la-galleen Xoogaga Shabaab.
Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in Ciidamadda Dowladda Somaliya iyo Ciidamadda Amisom, ay gaareen deegaano hor leh oo ay horey u joogtay Al Shabaab.
Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay in dagaalada ay Ciidamadda Dowladda uga dhaawaceen seddex askari, isla-markaana wuxuu sheegay in Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom uu ka dhaawacmay oo kaliya hal askari, waa sida uu hadalka u dhigay’e.
Wuxuu sheegay in Xoogaga Shabaab ay ka dilleen ciidamo badan, halka ciidamo kale oo aad u fara-badana uu sheegay inay u geysteen dhaawacyo aad u fara-badan, kuwaa oo uu sheegay inay shalay kala wareegeen dhul baaxad leh.
Sidoo kale wuxuu sheegay in Xarakada Al Shabaab ay ka qabteen laba kamid ah ciidamadooda, kuwaa oo uu xusay inay iminka gacanta ku hayaan, isla-markaana muusan sheegin waxa ay ka yeelli doonaan.
Afhayeenka Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom Major Paddy Ankunda, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay in Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo Ciidamadda Amisom ay sii wadi doonaan, hawl-gallo ay ka wadaan buu yiri magaaladda Muqdisho.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>