Ciidamo balaaran oo Shabaab ah ayaa waxay soo gaareen duleedka magaaladda Muqdisho, oo ay shalay ka dhaceen dagaalo xoogan oo Xarakada Al Shabaab looga saaray inta badan magaaladda Muqdisho.
Ciidamo hubeysan oo wata gawaarida dagaalada oo taabacsan Xarakada Al Shabaab, ayaa waxay ka soo kala baxeyn Gobolada Jubbada Dhexe, Jubbada Hoose iyo Shabeellaha Hoose, waxayna caawa soo gareen duleedka magaaladda Muqdisho.
Ciidamadda ayaa waxaa la-sheegay inay u soo diyaar garoobeen dagaalo qaraar oo ay la-gallaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya iyo Ciidamadda Nabad Ilaalinta ee Midowga Afrika ee Amisom ee ku sugan magaaladda Muqdisho.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, oo caawa la-hadlay Idaacada Andulus oo ku hadasha afka Shabaab, ayaa wuxuu sheegay inay soo gaareen ciidamo gurmad ah.
Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu sheegay inaanan weli lagu kala bixin dagaalada Muqdisho, isla-markaana wuxuu sheegay inay diyaar u yihiin dagaalo xoogan oo ay la-gallaan Ciidamadda Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Amisom.
Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh C/Casiis Abuu Muscab, ayaa wuxuu ugu dambeen uu sheegay inay qaadi doonaan dagaalo culus, oo uu sheegay inay dalka oo dhan uga saarayaan Ciidamadda Dowladda Ciidamadda Amisom.
↧
Ciidamo taageersan Al Shabaab oo soo gaaray Muqdisho iyo Al Shabaab oo dagaalo ku dhawaaqday
↧