Quantcast
Channel: HALGANKA.NET
Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Suugaanta Loo Sameeyey Calankeena Sharafta Leh Iyo Keydka Qaranka Ee Radio Muqdisho(Dhageyso)

$
0
0

Maanta oo ay taariikhdu ku beegantahay 12ka Octobar waa maalin ku weyn guud ahaanba Shacbiga Soomaaliyeed waa maalintii la unkay Calankeena Sharfa Leh waxaana aqristayaasha radiomuqdisho.net horey ugu soo gudbinay Qoraallo ama Barnaamijyo maqal ah oo aynu kaga hadleynay qiimaha maalintan ay inoo leedahay.
Markii hadaba barnaamijyadaasi aan Bogga soo gelinay ayaa inta badan dhageystayaasha waxa ay inaga dalbadeen inaan usoo gudbino ama Bogga radiomuqdisho.net soo gelino heesaha ama suugaanta Sharafta uu Calanka inoo leeyahay looga hadlayo ayadoo inta badanna si gaar ah uu dalabka aqristayaashu ugu badnaa heesta gunaanudka u aheyd mid ka mid ah Barnaamijyada aan kasoo xulnay Keydka Qaranka.
Hadaba anaga oo tixgelineyna Codsigiina ayaa waxaa aan keydka Radio Muqdisho idinkaga soo xulnay qeyb ka mid ah Suugaanta Calankeena loo Sameeyey maadaama uu Radio Muqdisho yahay raadiye u dhaxeeya guud ahaanba Shacbiga Soomaaliyeed islamarkaana qof walba oo Soomaali ah uu xaq u leeyahay wuxuu doono in uu ka helo waa hadii aanay Qarannimada, Jiritaanka,Sharafka iyo Midnimada Umaddu wax u dhimeyn ayadoo intaa oo dhan ay hormuud u yihiin marka ilaalinta laga hadlayo Diinteena Suuban iyo Dhaqankeena soo jireenka ah.
Heesta ugu horeysa ee aan idiin soo xulnay waa heesta uu dalabkiina u badnaa oo Barnaamijka maanta aad dhageysateen gunaanudka u ah ee Qaasim Hilowle Ku Luqeynayo Rabi Naxariistii jano hasiiyee.
Heesta Koobaad:- Magaca Heesta Waa Calanka, waxaa ku luqeynaya Qaasim Hilowle,Ereyadana waxaa iska leh Abwaan Maxamed Nuur Shareeco, Laxankeedana waxaa iska leh Isla Qaasim Hilowle.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysatid Heesta Calanka oo ah Heesta Koobaad ee Aan Heesaha Calanka idinkaga soo xulnay
Heesta Labaad:- Magaca Heestu Waa Calanyahow Ha Dhicin waxaana ku luqeynaya Kooxdii Xoogga Dalka waxaana Keyda Qaranka ay soo gashay sanadkii 1969kii.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysatid Heesta Labaad Oo Ah Heesta Calanyahow Ha Dhicin
Heesta Seddexaad:-Magaca Heestu Waa Calan Yaa Leh waxaana wadajir ugu Luqeynaya Cumar Dhuulle Cali Rabi Naxariistii Jano Hasiiyee iyo Fanaanada Hibo Nuura,ereyada Iyo Musiga Heestan Waxaa Iska Leh Cumar Dhuule waxaana Keydka Qaranka ee Radio Muqdisho ay soo gashay 26-06-1968
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Heesta Seddexaad Oo Ah Heesta Calan Yaa Leh
Heesta Afaraad:-Magaca Heestu Waa Calan Buluglaw waxaana ku luqeynaya Maxamed C/laahi Gujis ayadoo ay La Jiibinayaan Hobolada Waaberi,ereyada iyo Laxankaba Waa isla Maxamed C/laahi Gujis.
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Heesta Afaraad Oo Ah Calan Buluglow
Heesta Shanaad:- Magaca Heestu waa Calanka waxaana ku luqeyneysa Maryan Mursal Ciise Bootaan.
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Heesta Shanaad Oo Ah Heesta Magaceedu Yahay Calanka
Heesta Lixaad:-Magaca Heestu Waa Calanka Waxaana Ku luqeynaya Baashi Maxamuud Macalin Miraha iyo Muxigana waxaa iska leh isla Baashi Maxamuud Macalin
Riix Halkaan Si Aad U Dhageysato Heesta Lixaad Oo Halkudhigeedu Yahay Calanka
Magaca Gabaygu Waa Calanyahow waxaana Codkiisa nagusoo gaarsiinaya Gabyaaga Cali Xuseen Xirsi waxaana keydka Qaranka uu soo galay 1965Kii.
Riix Halkan Si Aad U Dhageysato Gabayga Calanyahow
Xusuusin.
Waxaa Xusid Mudan in Suugaanta lagu muujinayo Qiimaha,Sharafta iyo Maamuuska Calankeena inaysan intaan ku koobneyn oo ay tiro badan yihiin balse intii aan kari karnay aan sameynay dalabkiina kadib.
 
 
 
 
 
 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 54547

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>